Dhakhaatiir ku guuleystay in Killida doofaar ku rakibaan bukaan 62-jir ah

Image
Qaliinka ayaa la sameeyay 16-kii Maarso wuxuuna qaatay 4 saacadood,

Washington (GO) - Dhakhaatiir ka socota cisbitaalka guud ee Massachusetts ee dalka Maraykanka ayaa khamiistii ku dhawaaqay in nin 62 jir ah oo qaba xanuunka kelyaha uu noqday qofkii ugu horeeyay ee lagu beero kelyo doofaar leeyahay oo hidde ahaan (DNA) loo bedelay.

Cisbitaalka ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in qalliinku uu ka dhigan yahay isbeddel weyn oo fududaynaya in bukaannada u baahan xubnaha jirka mid ka mid ah ay ka faa'iisaystaan.

Qaliinka ayaa la sameeyay 16-kii Maarso, wuxuuna qaatay 4 saacadood, waxaana wax-ka-beddel ku sameeyay hiddaha Kelyaha Doofaarka shirkada “eGenesis of Cambridge” oo ku taal gobolka Massachusetts.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM