Dhakhtar Covid-19 ka daaweeyay boqolaal oo laga helay fayruskan faafa

Image

RIYADH, Saudi Arabia – Dhakhtar Sacuudiyaan ah oo Covid-19 ka daaweeyay 513 bukaan ayaa aakhiritaankii uu soo ritay cudurka, sidda ay Talaadada maanta ah warisay warbaahinta maxaliga ah ee waddankaas.

Nezar Bahabri, oo ku xeeldheer xanuunada faafa iyo lataliye dhanka xakameynta infakshanka, ayaa lagu waramay in isbitaal la dhigay ka gedaal markii muddo shan maalmood ah uu dareemayey qando baaxad leh.

"Caafimaadkeyga wuu wanaagsan yahay, balse heer-kulka jirkeyga isma dhimin shantii maalmood ee lasoo dhaafay, waxaana hadda la iigu daaweynayaan Isbitaalka," ayuu u sheegay war-fidiyeenka gudaha.

Howlwadeenkan caafimaad ayaa caan ka ah telefishinada iyo baraha bulshadda, isagoo siin-jiray dadweynaha taloooyin la xiriira Covid-19.

Mas'uuliyiin ka tirsan boqortooyadda iyo dad shacab ah ayaa hawada u mariyey fariimo ay soo kabasho deg-deg ah ugu rajeynayaan.

Sacuudi Carabiya ayaa wuxuu diiwaan-geliyey 268,934 kiisas oo ah fayruska, illaa iyo hadda. Waana dalka ugu badan gobolka Khaliijka.

Iyaddoo kororka uu maalinle yahay isla markaana bogsashada ay tahay 83 boqolkiiba, dhimashadda ayaa waxay gaartay 2,760, hase ahaatee, mar walba waxaa suurtagal ah in xanuunka ay u dhintaan dadyow kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM