Dhakhtar qarka u saarnaa daawada Coronavirus oo lagu dilay Mareykanka

Image

WASHINGTON, US - Khabiir dadaal ugu jiray helidda daawada cudurka safmarka ee coronavirus ayaa lagu toogtay dalka Maraykanka, sida ay sheegeen saraakiisha dowladda Maraykanka.

Bing Liu, khabiir dhanka baaritaannada daawooyinka u qaabilsanaa Jaamacadda Pittsburgh ayaa maydkiisa laga helay gurigiisa oo ku yaala Ross Township, Waqooyiga Pittsburgh.

Jaamacadda ayaa Dr Liu ku tilmaamtay “cilmi baare heer sare ah” oo wax badan sayniska ku soo biiriyay, wallow aysan tafaasiil intaas ka badan ka bixin shaqsiyadiisa iyo sooyaalkiisa.

"Wuxuu ku dhawaa helidda daawada cudurka coronavirus, waxaana ku dadaalaynaa inaan dhamaystirno dadaalkii uu bilaabay," ayaa lagu qoray bayaan ay jaamacadda soo saartay.

Taliska Booliska Mareykanka ayaa shaaciyey inay wadaan baaritaan ku aadan dhacdadaan, waxay diideen in ay ka horudhacaan fahfaahinta natiijadda illaa iyo haatan u soo baxdey.

Mareykanka ayaa laga helay hal milyan kiisas oo ah safmarka Coronavirus, waxaana dhimashadda ay ka badan 100-kun, iyaddoo dadka ka bogsaday ay kumanaan kun ay gaarayaan.

Tan iyo markii uu bartamihii December uu kasoo bilowday bartamaha dalka Shiinaha, Covid-19 ayaa gaarey badi wadamada caalamka, waxaana uu galaaftay in ka badan 250-kun oo ruux.

GO + BBC

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM