Dhaxal-sugaha Sacuudiga oo laga dacweeyay gudaha Mareykanka

Image

WASHINGTON, US – Hatice Cengiz oo ah Marwada wariyihii la dilay ee u shaqeyneyay Washington Post iyo urur u dooda xuquuqul insaanka oo saxafigu aas-aasay kahor geeridiisa ayaa dacweeyay dhaxal-sugaha boqortooyada Sacuudiga.

Dacwadaas oo loo gudbiyey xeer-beegto degmo oo ku taala Washington ayaa waxaa Maxamed bin Salmaan ku wehliya mas'uuliyiin kale oo heer sarre ah kuwaasoo laga doonayo magdhowga dilka nuqdeeye Jamal Khashoggi.

Sidda ku xusan dukumiintiga loo gudbiyey maxkamadda, dilka Jamal oo kasoo bilowday safaarada Sacuudiga ee Mareykanka wuxuu maleegay saraakiil kale oo uu Bin Salman hogaanka u hayo "kuwaasoo rabay in ay aamusiyaan".

"Waxaa la dilay markii eedeysaneyaasha ay ogolaadeen in uu Jamal aas-aasay Ururka Dimuqraadiyadda Carabta madal lagu horumarinayo xuquuqda bini'aadamka iyo dimuqraadiyadda," ayay raaciyeen qoraalkooda.

Sanadkii 2018-kii ayay ahayd markii wariyaha lagu dhex-dilay safaaradda Sacuudiga ee Istanbul. Koox ka tirsan sirdoonka Riyadh ayaa la wariyey in ay fuliyeen shirqoolka kuwaasoo baabi'iyey jirkiisa markii ay khaarijiyeen.

Riyadh ayaa dhowr jeer waxay beenisay in wariyaha lagu dhex-dilay safaaradda. Balse, aakhritaankii way qiratay iyaddoo u maxkamadeysay shaqsiyaad aan lasoo bandhigin magacyadooda taasoo xaaskiisa iyo Tukriga uu su'aal geliyey.

Jamal Khashoggi oo mucaarad xoogan ku ahaa dhaxal-sugaha isla markaana uga soo baxsaday Sacuudiga "markii uu khatar dareemay" ayaa safaaradda ka doontay warqadda ogolaanshiyaha guurka Hatice Cengiz taasoo xiligaas la socotay.

GAROW EONLINE

Related Articles

Hoggaanka Pakistan oo soo gebagebeeyay safar xal loogu raadinayo dagaalka Bariga Dhexe

Dadaalladan ayaa imanaya xilli cadaadis xooggan uu ka dhashay xiritaanka mar kale ee Marinka Hormuz.

  • Caalamka

    18-04-2026

  • 11:46AM

Pete Hegseth oo Sheegay in Maraykanka uu Sii Wadi Doono Go’doominta Dekedaha Iran 

Iskahorimaadkan ayaa markii hore billowday 28-kii Febraayo, ka dib weeraro ay Maraykanka iyo Israa’iil ku qaadeen gudaha Iran.

  • Caalamka

    16-04-2026

  • 03:40PM