Dhaxal-sugaha Sacuudiga oo Riyadh ku qaabilay Madaxweynaha Ukraine

Image
Kulankan ayaa looga hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee xiisadda Ukraine iyo Ruushka.

Riyadh (GO) - Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa magaalada Riyadh ee caasimadda Sacuudiga ku qaabilay Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky.

Intii uu socday kulanka, waxaa dib u eegis lagu sameeyay dhinacyada xiriirka Sacuudiga iyo Ukraine, waxaana looga hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee xiisadda Ukraine iyo Ruushka, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Sacuudiga.

Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga ayaa xaqiijiyay sida ay Boqortooyadu u xiisaynayso una taageereyso dhammaan dadaallada caalamiga ah ee lagu doonayo in lagu xalliyo dhibaatada, iyo dadaallad lagu doonayo in gacan looga geysto yareynta saameynta bini'aadinimo ee ka dhalatay.

Halka Madaxweynaha Ukraine uu mahadnaq ka muujiyey dedaalka ay Boqortooyada ka bixisay arrintan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM