Dheemanka saddexaad ee dunida ugu weyn oo la helay

Image
Image

GABORANE, Botswana - Shirkada dheemanka Botswanan ee Debswana ayaa sheegtay in ay soo saartay dhagax cabirkiisu yahay 1,098 carat oo ay ku tilmaamtay inuu yahay kan saddexaad ee noociisa ugu weynaa adduunka.

Dhagaxan, oo la helay 1-dii bishan Juun sanadkan 2021-ka, ayaa waxaa warbaahinta Arbacadii u soo bandhigay Madaxweynaha waddankaas, Mokgweetsi Masisi oo shir jaraa'id ku qabtey caasimadda Gaborone.

"Waxaa la rumeysan yahay inay tahay ta saddexaad ee ugu tayada weyn ee laga helo adduunka," ayay tiri Agaasimaha Maamulka shirkadda Debswana, haweenayda lagu magacaabo Lynette Armstrong.

Armstrong ayaa ku dartey: "Dhagaxan noociisu yahay dhif iyo naadir aan caadi ahayn in la helo… macnahiisu aad ayuu ugu weyn yahay bulshadda dheeman iyo Botswana. Waxay rajo u horseedaa umada halgameysa".

Dhagaxa aan weli magaca loo bixin oo cabirkiisu yahay 73mm dherer, 52mm ballac ah iyo 27mm dhumuc sidoo kale waa dheemankii ugu weynaa oo ay hesho shirkadda Debswana.

Dheemankii ugu weynaa ee abid dunida laga helo ayaa cabirkiisu wuxuu ahaa 3,106-karat Cullinan, waxaana laga helay waddanka Koonfur Afrika sanadka markii uu ahaa 1905.

Ka labaad wuxuu ahaa 1,109-carat Lesedi La Rona - dheeman cabirkiisu le'eg yahay qalcadda tayniska, oo laga helay Karowe, waqooyi-bari Botswana, sanadkii 2015. Botswana waa horumuudka wax soo saarka dheemanka ee Afrika.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliyaha EUCOM: Mareykanku ma hayo awood ku filan oo uu ku sii difaaco Israa'iil

Hawlgallada ku dhowaad maalinlaha ah ayaa la sheegay inay si weyn u daaliyeen maraakiibta burburiyeyaasha ee ciidamada badda Mareykanka.

  • Caalamka

    01-08-2026

  • 12:21PM

Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka oo raalli-gelin ka bixisay khariidad khaldan oo Afrika ah

Khariidadda ayaa lagu soo bandhigay shirkii AIDS 2026, waxaana lagu muujiyay lix waddan…

  • Caalamka

    31-07-2026

  • 08:27AM