Dhimasho horleh oo laga soo wariyey garoonka Kabul

Image
Kooxda Taliban ayaa ugu baaqdey dadweynaha buux-dhaafiyey madaarka in ay dib ugu laabtaan guriyahooda.

KABUL, Afghanistan - Tiro dhan 12 qof ayaa lagu dilay gudaha iyo agagaarka garoonka diyaaradaha magaalada Kabul tan iyo Axaddii, sida uu sheegay sarkaal sarre oo ka tirsan kooxda hubeysan ee Taliban.

Sarkaalka oo si qarsoodi ah ula hadlay wakaaladda wararka ee Reuters kana gaabsadey magaciisa sababo aan la caddeyn ayaa xusay in dhimashada ay sababtay rasaas ama shaabaddo.

Dadweynaha ku sugan irdaha ayuu ku booriyey inay guryahooda aadaan maadaama aysan xaq u lahayn inay safraan wuxuuna yiri Daalibaan "ma dooneyso in ay dhaawacdo dhamaan shacabka".

Mowjado rabshado ah ayaa laga soo wariyey gudaha garoonka tan iyo markii falaagadda ay la wareegtay awooda waddanka Afghanistan iyadda oo dadku rabaan in ay dibada u cararaan.

Gegida dayuuradaha ee Kabul ayaa weli ku jira gacanta Mareykanka laakiin waddooyinka ku xeeran waxaa ilaaliya Taliban kuwaasoo la sheegay in shacabka ay qasab ku joojinayaan.

Goobjoogayaal kala duwan ayaa soo tabiyey in xubno hubaysan oo ka tirsan kooxda ay ka horjoogsanayaan dadka, oo ay ku jiraan kuwa dukumentiyada wata, inay galaan xarunta.

Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden, ayaa carabka ku adkeeyay in askarta Ameerikaanka ah ay baaqi kusii ahaan doonan Afghanistan illaa dadka Mareykanka ay dib ugu sii laaban doonan dalkooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM