Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay weerar ka dhacay Tel Aviv

Image
Weerarka ayaa yimid xilli ciidamada Israel ay labo habeen oo xiriir ah gudaha u galeen dhismaha Masjidka Al-Aqsa.

TEL AVIV, Israa'iil - Hal qof ayaa ku geeriyoodey tiro kalena way ku dhaawacmeen toogasho iyo weerar toos ah oo ka dhacay magaaladda Tel Aviv Jimcihii, sidda ay ku warantey warbaahinta maxaliga ah.

Weerarkan oo ka dhacay meel ku dhow xeebta Tel Aviv, ayaa yimid ka dib markii subaxnimadii Jimcaha labo Israa'iiliyiin ah lagu dilay toogasho ka dhacday dooxada Jordan ee la haysto ee Daanta Galbeed.

Saddex qof ayaa xaalad u dhow khatar ku sugan, halka laba kalena ay dhaawacyo fudud soo gaadheen, sidda uu daabacay wargeyska Haaretz oo intaa ku dartay in la toogtay ninkii weerarka geystay.

Waaxda gurmadka deg dega ah ee Magen David Adom ayaa sheegtay in qofka la dilay uu ahaa dalxiise ajnabi ah oo da’diisu ay ku dhowdahay 30 sano jir.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka Talyaaniga Antonio Tajani oo saxaafadda la hadlay ayaa si rasmi ah waxa uu uu xaqiijiyay in magaciisa lagu sheegay Alessandro Parini.

Sida ay ku warantay shabakada wararka ee Walla, ninka weerarka gaystay waxa uu ahaa muwaadin Falastiini ah hase ahaatee ku dhashay Israa’iil, kana soo jeeday Kafr Qaasim ee bariga Tel Aviv.

Ra'iisul wasaaraha Israa'iil, Benjamin Netanyahu, ayaa ku amray ciidamadda booliiska inay u yeeraan kuwa kaydka ah, sida ay sheegtay warbaahinta Israa'iil.

Weerarka oo dhacay habeenimadii Jimcaha ee waqtiga maxaliga ah ayaa yimid kadib markii ciidamada Israel ay labo habeen oo xiriir ah gudaha u galeen dhismaha Masjidka Al-Aqsa.

Ciidanka ayaa Masjidka waxay ku weerareen kuna xireen dad ku cibaadeysanayay xilli ay u adeegsadeen bam gacmeedyo iyo sunta dadka ka ilmeysiisa kumanaan Falastiini ah oo ku tukanayay masjidka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad dagaal oo F-35C ah oo ku burburtay California, duuliyihiina si nabad ah uga badbaaday

Wali lama shaacin sababta keentay shilka, hase yeeshee baaritaan buuxa ayaa socda si loo ogaado wixii dhacay.

  • Caalamka

    31-07-2025

  • 04:43AM

Israel: Netanyahu Ka Badbaaday Isku Day Dil

Xiritaanka haweeneydan ayaa qeyb ka ah taxane ah isku dayo hore oo lagu fashiliyay in lagu dilo Netanyahu.

  • Caalamka

    23-07-2025

  • 01:43PM