Dhinacyada ku dagaalamaya Sudan oo wadahaddallo u bilawday

Image

JEDDAH (GO) - Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sacuudiga, ayaa ku dhawaaqday in magaalada Jeddah uu ka bilowday wada-hadallo u dhaxeeya Ciidanka Sudan iyo Xoogaga Taageerada Degdegga ah RSF.

Wasaaradda arrimaha dibadda Sacuudiga ayaa sheegtay in wadahadallada u dhaxeeya ciidamada iyo RSF aysan taaban doonin arrimo siyaasadeed, ayna ku koobnaan doonaan xabad joojin iyo tallaabooyin lagu dhisayo kalsoonida.

Wadahadallada ayaa diiradda lagu saaray fududeynta bixinta gargaarka bini'aadantinimo, gaarista xabbad-joojin, tallaabooyin lagu dhisayo kalsoonida, iyo suurtagalnimada in si joogto ah loo joojiyo dagaalka.

Mareykanka iyo Sacuudiga ayaa xaqiijiyay in ay yihiin afhayeenka wadajirka ah ee wada-hadallada, si loo mideeyo xeerarkii hab-dhaqanka ee ay labada dhinac ku heshiiyeen, kaasoo hagi doona wada-hadallada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM