Dhul-gariir in ka badan 110 qof ku dilay waqooyiga Shiinaha

Image
In ka badan 4,700 oo guri oo ah hanti dadwayne ah ayaa la sheegay in ay waxyeelo soo gaartay.

BEIJING, China - In ka badan 110 qof ayaa ku dhintay tiro intaas ka badanna waa ay ku dhaawacmeen kadib dhul gariir ku dhuftay Waqooyi Galbeed ee dalka Shiinaha, xilli dad badan ay hurdeen.

Dhul gariirkan oo cabirkiisa lagu qiyaasay 6.2, sida ay sheegtay wakaalada wararka ee Xinhua, ayaa saqdii dhexe ee xalay ka dhacay gobolka Gansu ee u dhow xuduudka Qinghai, kaas oo gaystay khasaare balaaran.

Musiibadan rabaaniga ah ayaa waxaa laga dareemay meel ka fog magaalada Xi’an ee waqooyiga gobolka Shaanxi, oo qiyaastii 570km (350 mayl) u jirta xuddunta.

Maamulka gobolka Gansu ayaa shir jaraa’id ku sheegay in laga soo bilaabo 7.50am (23:50 GMT ee Isniinta), 105 qof ayaa la xaqiijiyay inay dhinteen, 397 kalena ay ku dhaawacmeen.

In ka badan 4,700 oo guri oo ah hanti dadwayne ayaa waxyeelo soo gaartay, ayay raaciyeen. Korontada iyo biyaha ayaa go’ay tuulooyinka qaar, ayay tiri Xinhua.

13 ruux kale ayaa ku dhintay, 182 kalena waa la dhaawacay, 20 kalena waa lagu la’yahay magaalada Haidong ee gobolka Qinghai ee deriska la ah, sida uu sheegay telefishanka dawladda ee CCTV.

Shiinaha ayaa kamid ah wadamadda caalamka ee ay ku badan yihiin dhul-gariirada waxaana ugu wacan in ay dalkan ay ku yaalaan buuro badan taas oo qeyb ka ah sababaha u dhacaan musiibooyinka noocaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM