​Dhul Gariir Ku Dhuftay Koofurta Taiwan

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

TAIWAN- Ugu yaraan 11 qof ayaa ku dhintay tiro intaas kabadan waa ku dhaawacmeen kadib markii dhul gariir ku dhuftay Koonfurta dalka Taiwan, waxaana dhimashada ka sokow bur-bur laxaad leh soo gaaray meelaha uu ka dhacay gaar ahaan xaafado ku dhow Caasimadda Taiwan ee Tainan. 

Kooxaha gurmadka ayaa gaaray goobaha masiibadu ka dhacday, waxaana la soo bad-baadiyay dad ay ku dumeen dhismayaal, halka lasoo wariyay in dadka dhinteen ku jitay gabar yar oo dhallanayd 10-bari.

Xaalad baqdin ah ayaa kajirta meelo badan oo dalkaas kamida, waxaa laama kala duwan ee gurmadka Taiwan ku guda jiraan sidii loo samata bixin lahaa dadka weli ku harsan goobaha bur-buray. Sawirro laga soo qaaday Tainan, ayaa muujinay bur-burka dhismayaasha, waxaana la baahiyay inay dumeen ilaa 17 dhisme oo waaweyn. 

Dhul gariirkan ayaa lagu qiyaasay inuu 6.5 Magnitude "Aalad lagu cabiro dhul gariirka". 

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump: In dagaalka Iran sii socdo waxaan ka doorbidayaa heshiis

Trump ayaa sheegay in saraakiisha Iran ay la soo xiriireen maamulkiisa ayna dalbadeen in la wada hadlo.

  • Caalamka

    06-08-2026

  • 07:11AM

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM