Dhul-gariir xoogan oo ku dhuftay koonfurta Filibiin

Image
Mas’uuliyiinta ka agdhow goobta uu dhulgariirku ka dhacay ayaa soo wariyey in aysan helin wax war ah oo ku saabsan khasaaraha.

MANILA, Filibin – Dhulgariir cabirkiisu yahay 5.7 ayaa ku dhuftay koonfurta caasimadda Filibiin ee Manila gaar ahaan gobolka Batangas ee jasiiradda Luzon abaare 1:12 am (17:12 GMT). Dadka deggan nawaaxiga magaala madaxda waxay ku baraarugeen musiibadan.

Machadka Folkaanada iyo Seismology ee Filibiin (Phivolcs) ayaa war-saxaafadeed ku sheegay in dhulgariirku ay qotadiisu ahayd qiyaastii 74km (46 mayl). Xuddunta dhulgariirku waxay ka dhacday gobolka Mindoro.

Mas’uuliyiinta ka agdhow goobta uu dhulgariirku ka dhacay ayaa soo wariyey in aysan helin wax war ah oo ku saabsan khasaaraha – dhimasho ama dhaawac.

Jose Clyde Yayong, oo ah sarkaal ku sugan magaalada Tagaytay ee gobolka dariska la ah ee Cavite ayaa yiri "Runtii aad bay u xoog badneyd. Illaa iyo hadda ma jiraan dhacdooyin qallafsan oo la xiriira dhulgariirka".

Leonardo Tristan, sarkaal kale oo ku nool magaalada Looc ee jasiiradda Occorodi Mindoro, ayaa sheegay in xoogga dhulgariirku uu dadka qaar ku qasbay in ay ka cararaan guriyahooda.

“Xaaskaygu waxay ku qaylinaysay 'dhulgariir baa jira',” ayuu Tristan u sheegay wakaaladda wararka Faransiiska laga leeyahay ee AFP.

Filibiin waxaa si joogto ah u ruxa dhulgariirro iyada oo ay ugu wacan tahay meesha uu dalkan ku yaala ee Baasifigga, oo ah goob uu dhaqdhaqaaqa dhulgariir ku xoogan yahay – ka soo bilaabanaya Japan ilaa Koonfur Bari Aasiya iyo guud ahaan aagga Baasifigga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheikh Hasina oo sheegtay inay dib ugu laaban doonto Bangladesh xili inkastoo lagu xukumay dil

Waxay sheegtay inay diyaar u tahay in la xiro ama xitaa la dilo marka ay dalka ku laabato.

  • Caalamka

    10-07-2026

  • 12:38PM

Netanyahu oo Mareykanka ugu baaqay inuusan Turkiga ka iibin diyaaradaha F-35

Turkiga wuxuu ka tirsanaa waddamada iskaashiga ku lahaa soo saarista diyaaradda F-35, wuxuuna qorsheynayay inuu iibsado in ka badan 100 diyaaradood.

  • Caalamka

    06-07-2026

  • 08:43PM