Dibadbax ka dhan ah Xukuumada Netanyahu oo laga dhigay Israa'iil

Image
Dibad-baxayaasha ayaa hareereeyay afaafka hore ee hoyga uu deggan yahay Netanyahu.

Tel Aviv (GO) - Tobanaan kun oo Israa’iiliyiin ah ayaa isugu soo baxay waddooyinka kuwaas oo dhigaya mudaaharaad ka dhan ah xukuumadda Ra’iisal Wasaare Benjamin Netanyahu, waxayna dalbadeen in la gaaro heshiis lagu soo celinayo maxaabiista lagu haysto marinka Qasa.

Dibad-baxayaasha ayaa hareereeyay afaafka hore ee hoyga uu Netanyahu ka deggan yahay waqooyiga dalkaasi, iyagoo dalbanaya in uu xilka iska casilo oo doorasho degdeg ah la qabto, taas oo keentay in booliisku ay soo farageliyaan oo ay xiraan 4 qof.

Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Israa’ill oo lagu magacaabo Yair Golan, ayaa ka codsaday dibadbaxayaasha inay hareereeyaan dhismaha baarlamaanka, isagoo ku tilmaamay dowladda hadda jirta inay tahay "mid guuldareysatay."

"Waa inaa ridnaa xukuumada oo aan qabano doorashooyin cusub”. ayuu yiri Golan, isagoo ku baaqaya in kumanaan qof oo ay waddooyinka isugu soo baxnaan maalin kasta."

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM