Dibadbaxyaal u daatay qasriga Madaxtooyadda Brazil

Image
Waxaa la arkayay dadka faras dushiis kasoo ridaya askari booliiska ah, kadibna si xun u garaacaya.

BRSILIA, Brazil - Taageerayaasha madaxweynihii hore ee Brazil Jair Bolsanaro ayaa u dhacay guriga madaxtooyada dalkaasi, dhismaha maxkamadda sare iyo Aqalka Koongareeska, iyaga oo diidan doorashadii dhowaan uu kusoo baxay madaxweyne Lula Da Silva.

Jamaahiirtan careysan ayaa ku doodaya in doorashada lagu shubtay, doodaas oo uu qabo madaxweynihii hore oo weli aanan aqbalin natiijada, islamarkaasna u duulay gobolka Florida ee dalka Maraykanka.

Muuqaalo lagu baahiyay warbaahinta ayaa muujinaya banaanbaxayaasha oo burburinaya kuraasta iyo miisaska goobihii ay galeen, iyaga oo qaarkood ay weerareen ciidanka booliiska. Waxaa la arkayay dadka faras dushiis kasoo ridaya askari booliiska ah, kadibna si xun u garaacaya.

Madaxweynaha todobaad ka hor xilka loo dhaariyay Lula Da Silva ayaa ciidanka amniga ku eedeeyay in ay xakameyn waayeen amniga caasimadda, isaga oo ka codsaday in ay soo celiyaan kala dambeynta.

Madaxweynihii hore ayaa iska fogeeyay in uu isaga dabada ka riixayo rabshadaha dhacaya. Dibadbaxayaasha ayaa gooyay waddooyin muhiim ah, iyaga oo xitaa hor dhoobtay saldhig weyn oo ay ciidamada leeyihiin, waxayna ku baaqayaan in militariga ay farogaliyaan arrinka, lana wareegaan xukunka.

Doorashadii dhoweyd ee dhacday ayaa dhalisay buuqii ugu badnaa maadaamaa labada musharax ay aad isugu natiijo dhowaayeen, iyada oo uu natiijada diiday madaxweynihii hore oo qaba in lagu shubtay.

Arrinta ka dhacday Brazil ayaa la mid ahayd tii ka dhacday Maraykanka, halkaas oo taageerayaasha Trump ay weerareen dhismaha Capitol Hill ee fadhiga baarlamaanka ah. Madaxweynaha Maraykanka Biden ayaa waxa ka dhacay Brazil ku tilmaamay wax laga xumaado.

GAROWE ONLINE

Related Articles

India: New Delhi oo la geliyay heegan sare kadib qarax dhimasho sababay

Wakaaladda PTI News ayaa ku warrantay in magaalada Delhi lagu soo rogay heegan amni oo sare kadib qaraxa.

  • Caalamka

    10-11-2025

  • 05:09PM

Madaxweynaha Suuriya oo gaaray Maraykanka kadib markii laga saaray liiska argagixisada

Safarka Al-Sharaa ayaa loo arkaa mid calaamad u ah isbedel cusub oo xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Washington iyo Dimishiq.

  • Caalamka

    09-11-2025

  • 07:15AM