Diblumaasi kasoo shaqeeyay Soomaaliya oo xil loo magacaabay

Image

LONDON, UK – Dowladda Ingiriiska ayaa David Concar u magacowday ergayga u fadhin doona Tanzania, isagoo bedelaya Sarah Coke oo muddo xileedkiisa afarta sano uu ka dhamaaday bishii lasoo dhaafay.

Sidda lagu sheegay war-saxaafadeed loo diray warbaahinta, David Concar oo kasoo shaqeeyay ururka barwaaqo sooranka iyo wasaarada arrimaha dibada ayaa xafiiska la wareegaya bisha dambe ee August.

Xilkiisa Soomaaliya oo dhamaaday Febraayo 2019, waxaa lagu bedelay Ben Fender oo waqti xaadirkan Muqdisho ku sugan.

David Concar ayaa soo noqdey danjiraha Britain ee Soomaaliya intii u dhaxeysay 2016-19. Sidoo kale, wuxuu 2006-12 wuxuu ahaa qunsulka arrimaha isbedelka cimilada boqortooydda UK ee dalka Shiinaha.

Diblumaasigan oo shahaado sarre ka haysta dhaqaalaha iyo horumarinta ayaa September 2016 soo noqdey safiirka UK ee Tanzania, waxayna la macno tahay markii labaad oo waddankaas uu ka tagayo.

Jagooyinka uu soo qabtay waxaa kamid ah madaxa howlgalka Ingiriiska ee Afrika si lamid ah agaasime ku xigeenka arrimaha Istaraatiijiyadda ee Golaha Wasiiradda Ingiriiska, xilkaas oo muddo badan uu hayey.

Magacaabida David Concar ayaa qayb ka ah isbedel lagu sameynayo safaaradaha kala duwan ee UK ku leedahay caalamka, waxaana ay kusoo hagaageysaa xilli uu dalkaas isaga baxay ururka Midowga Yurub.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jay Clayton: Iran waxay diyaarisay qorshayaal ay ku beegsanayso ciidamada Mareykanka ee Bariga Dhexe

Warbixintan ayaa imaanaysa iyadoo hore loo soo tebiyay tallaabooyin amni oo la xiriira joogitaanka Mareykanka ee gobolka.

  • Caalamka

    25-10-2026

  • 05:45AM

Obama: “Iran waxay maanta ka awood badan tahay sidii ay ahayd ka hor dagaalka”

Obama ayaa hadalkan ka jeediyay isu-soo-bax olole doorasho oo ka dhacay Cleveland, gobolka Ohio, Sabtidii.

  • Caalamka

    25-10-2026

  • 05:20AM