Diblumaasiyiin safmarka Covid-19 dartiisa uga baxaya Sacuudiga

Image

RIYADH, Suadi Arabia – Diblumaasiyiinta Mareykanka ee ku sugan Sacuudi Carabiya ayaa kamid ah boqolaal muwaadiniin Ameerikaan ah oo looga daad-gureynayo dalkaas fayruka Corona awadiis.

Sidda ay wararku sheegayaan, diblumaasiyiinta oo la daad-gureeyay 48-kii saac ee lasoo dhaafay waxaa wehliyey qoysaskooda.

Talaabadan ayaa kusoo hagaageysa xilli boqortooyadda ay la kacaakufeyso sidii ay uga soo kaban lahayd burburka dhaqaale ee ka dhashay bandowga Covid-19 awgiis loosoo rogay oo dhowaan ay qaadey.

Wall Street Journal ayaa wariyey in go'aanka diblumaasiyiinta uga baxeen Sacuudiga uu yahay "amar meel sarre ka yimid".

Kiisaska Coronavirus ee Sacuudiga ayaa gaarey 200,000 marii ay bishii hore qaadey dhamaan xayiraadaha fayruskaas; Imaaraadka Carabta wuxuu dhankiisa la kulmay sarre u kac markii uu qaadey bandowga.

Kiisaska Imaaraadka ayaa haatan sii maraya 50,000, waxaana ay labadooda ka sareeyaan dalalka kale ee Khaliijka sidda Qadar.

Bartamihii bishii Maaj ee sandkan 2020 ayay ahayd markii ay soo rogeen talaabooyinka xakameynta oo saameeyay ganacsiga iyo isu socodka dadweynaha, si lamid ah duulimaadyadda caalamiga ah.

Sidda ay sheegtay hay'adda caafimaadka aduunka, guud ahaan kiisaska Covid-19 ee caalamka waxay marayaan 11.23, bogashaddana waa 6.04, halka dhimashada ay ka badan 530,000, waana mid kordhi karta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jay Clayton: Iran waxay diyaarisay qorshayaal ay ku beegsanayso ciidamada Mareykanka ee Bariga Dhexe

Warbixintan ayaa imaanaysa iyadoo hore loo soo tebiyay tallaabooyin amni oo la xiriira joogitaanka Mareykanka ee gobolka.

  • Caalamka

    25-10-2026

  • 05:45AM

Obama: “Iran waxay maanta ka awood badan tahay sidii ay ahayd ka hor dagaalka”

Obama ayaa hadalkan ka jeediyay isu-soo-bax olole doorasho oo ka dhacay Cleveland, gobolka Ohio, Sabtidii.

  • Caalamka

    25-10-2026

  • 05:20AM