Dilka suxufi iyo khabiir degaanka ah oo sababay carro caalami ah

Image
Dom Phillips iyo Bruno Pereira ayaa meydadkooda laga helal keymo kadib markii la waayay asbuuc kahor.

LONDON, UK - Meydadka Suxufi reer British ah oo lagu magacaabo Dom Phillips iyo Khabiir asal ahaan u dhashay dalka Brazil oo lagu magacaabo Bruno Pereira ayaa maanta oo Isniin ah laga helay kaymaha Amazon ee dalka Brazil, sida ay warinayso warbaahinta G1 Isniintii, iyadoo soo xiganaysa xaaska Phillips.

Mas'uuuliyiinya ayaan weli xaqiijin in meydadka la helay, sida laga soo xigtey G1. Labadan ruux ayaa in ka badan todobaad waxaa lagu la’aa Keymaha Amazon ee dalka Brazil.

Axadii, booliiska Brazil ayaa sheegay in kooxaha baarayay kiiska ay kasoo heleen qaar ka mid ah alaabtooda meel wabiga ka baxsan halkaas oo markii ugu dambeysay lagu arkay usbuuc kahor.

Waxyaabaha la helay waxaa ka mid ahaa kaarka aqoonsiga caafimaadka oo ku qoran magaca Pereira, boorso dhabarka lagu qaato oo ay ku jiraan dhar uu leeyahay Phillips, oo ay la socdaan kabaha labada nin.

Goobjoogeyaal degaanka ah ayaa sheegay inay arkeen Pereira iyo Phillips, oo ah wariye madax-bannaan oo wax u qoray The Guardian iyo The Washington Post, oo ku socdaalaya wabiga June 5.

Warka ku saabsan waayitaanka labada ruux ayaa si weyn u hareeyay caalamka oo dhan waxaana dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha ay ku booriyeen madaxweynaha Brazil Jair Bolsonaro inuu kordhiyo baaritaanka.

Baarayaasha bilayska gobolka ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters inay diiradda saarayaan ugaarsatada iyo kalluumaysatada sharci darrada ah ee aagga, kuwaas oo marar badan isku dhaceen Pereira markii uu abaabulayay roondo wadani ah oo boos celin ah.

Booliska ayaa xiray hal nin oo kalluumaysato ah, Amarildo da Costa, oo loo yaqaan "Pelado", oo lagu eedeeyay haysashadda hub, waxaana lagu hayaa xabsiga, iyagoo baaraya inuu ku lug lahaa dilka raggan. Brazil waa mid kamid ah wadamadda ugu keymaha badan aduunka uguna halista badan dhanka dalxiiska.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Pakistan oo sheegtay inay soo riday diyaarado dagaal oo India leedahay

Dowladda Hindiya weli kama aysan hadlin sheegashada Pakistan, iyadoo xiisadda u dhexeysa labada dal ay cirka isku shareertay mar kale.

  • Caalamka

    07-05-2025

  • 01:27PM

Trump oo Dhimaya 20% Tirada Jeneraalada Sare ee Ciidamada Mareykanka

Hegseth oo muuqaal soo dhigay barta X (horey Twitter) ayaa sheegay in siyaasaddan cusub ee uu ugu magac daray.

  • Caalamka

    06-05-2025

  • 07:33AM