Dilkii bedelay sooyaalka Ameerika oo bog kale loo rogay

Image
Falkan oo dhacay nus qarni kahor ayaa gacan-ku-dhiiglihii ka dambeeyay ku muteystay 53 sano oo xabsi ah.

NEW YORK, USA - Guddiga cafiska gobolka Kaliforniya ayaa u codeeyay in xabsiga laga sii daayo gacan-ku-dhiiglihii dilay murashaxii dimuqraadiga ee madaxweynenimada 1968-kii Robert F Kennedy (RFK).

Sirhan Sirhan ayaa 53 sano oo xabsi ah ku muteystay in uu toogtay RFK xilli uu khudbad ka jeedinayey hoteel ku yaal magaalada Los Angeles, falkaas oo wax ka beddelay taariikhda Ameerikaanka.

Codbixinta, oo loo cuskadey in uu halis ku ahayn rayidka, ma aha mid damaanad qaadaysa inuu xor ku socon doono. Go'aanka u dambeeya waxaa gaaraya Guddoomiyaha Gobolka California, Gavin Newsom.

Xisbiga Dimuqraadiga ayaa hadda ku jira olole doorasho. "In ka badan nus qarni ayaa ka soo wareegtay," ayuu Sirhan u sheegay guddiyada cafiska. "Wiilkaas yar ee firfircoonaa ma jiro haatan".

"Senator Kennedy wuxuu ahaa rajada adduunka aniguna waan dhaawacay, dhammaantoodna waan waxyeelloobay waxayna igu xanuunaysaa inaan la kulmo taas, aqoonta falkan foosha xun," ayuu raaciyay sida ay qortay wakaaladda wararka ee Associated Press oo loo oggolaadey in ay ka qaybgasho dhegaysigiisa sii -daynta sharafeedka.

Xafiiska xeer ilaaliyaha degmada ee Los Agnles ayaa daaha ka rogay inaysan u dhaqaaqi doonin inay ka soo horjeedaan sii deyntiisa Balse ma bixin tafaasiil dheeraad ah.

Hadda waa 77 jir, dilaaga ku dhashay Falastiin wuxuu codsanayay sii-dayn sharafeed markii 16-aad. Waxa uu sheegay in markii la xiray kadib uu fuliyay weerarkiisa ku aaddan taageerada Senator-ka xilligaas ee kaalmada Mareykanka ee Israel. Markii dambe ayuu sheegay in uusan xasuusan weerarka.

Go’aanka guddiga ayaa yimid kadib markii laba ka mid ah carruurta Kennedy ay ka codsadeen guddiga sii -daynta sharafeedka in la sii daayo gacan-ku-dhiiglaha aabbahood.

"Runtii waxaan rumaysanahay in maxbuus kasta oo dambi lagu helo in uusan naftiisa khatar ku ahayn ama guud ahaan dadka caalamka," ayuu tibaaxay Douglas Kennedy oo ay soo xigatay wakaalada wararka Associated Press.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM