​Dilma Rousseff oo dacwad laga gudbiyay

Image

Guddi ka tirsan congress-ka Brazil ayaa ku taliyay in xilka laga qaado madaxweynaha dalkaasi Dilma Rousseff, kadib markii lagu helay wax isdaba marin iyo ka been sheegis dhaqaalaha dalkaasi ku aadan.

Arrintan ayaa la filayaan inay cod u qaadaan Barlamanka waddankaasi todobaadka soo socda, inkastoo ay jiraan dad diidan arrimaha lagu eedeeyay iyagoo ku andacoonaya in tallaabo ku haboon dacwadaasi loo marin.

Kulanka gudiga ayaa waxaa hareeyay buuq, markii ay go'aanka gaareena waxaa heesta calanka ee Brazil qaaday xubnaha mucaaradka ku ah madaxweyne Dilma Rousseff.

Dhanka kale, waxaa magaalada Rio de Janiero isugu soo baxay kumannaan taageersan madaxweynaha xilka haysa, waxaana ay qaadayeen heeso taageera ah.

Madaxweynihii hore ee Brazil, Luiz Inácio Lula da Silva, oo taageersan madaxweyne Rousseff, ayaa ka hadlay isu soo baxaasi, waxaana uu go'aanka gudiga ku tilmaamay afgembi ka dhan ah madaxweynaha.

Dalka Brazil ayaa dhaqaalo ahaan u muuqda mid hoos u dhac ku yimi sida laga soo xiganayo warbaahinta dalkaasi, waxaase Dilma uu markasta sheegaa inuu kobcay dhaqaalaha dalkaasi.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo ka difaacay Maxamed Bin Salman Su'aal laga waydiiyay dilkii Khashoggi

Kulanka Aqalka Cad ayaa sidoo kale lagu heshiiyey arrimo dhaqaale iyo milatari, oo ay ka mid yihiin iibinta diyaarado dagaal oo F‑35 ah.

  • Caalamka

    19-11-2025

  • 09:41AM

Bangladesh: Ra’iisul Wasaarihii hore Sheikh Hasina oo lagu xukumay dil

Maxkamaddu sidoo kale waxay xukuntay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, Asaduzzaman Khan.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 11:02AM