Dimuqraadiga oo hogaanka u qabtay Senate-ka Mareykanka

Image
Image

WASHINGTON, US – Musharaxiinta Dimuqraadiga Raphael Warnock iyo Jon Ossoff ayaa ku guuleystay labada kursi Aqalka Sare ee ismaamul goboleedka koonfurta Mareykanka ku yaala ee Georgia, sidda ay ku dhawaaqdey Wakaaladda wararka The Associated Press.

Guushan ayaa Dimuqraadiyiinta siineysa in ay la wareegaan hogaanka Senate-ka Mareykanka, waxaana ay faa'iido u tahay maamulka madaxweynaha la doortay ee Joe Biden marka uu xilka qabto.

Doorashooyinka ay galeen labada musharax waxay ahayd mid taariikhi ah. Warnock, 51-jir baadari ka ah kaniisad ku taala Atlanta, ayaa noqdey qofkii ugu horeeyay oo madow ah kaasoo taariikhda Senator ka noqda Georgia. Sidoo kale, wuxuu noqdey qofkii ugu horeeyay oo madow ah kaasoo dimuqraadiga kasoo gala koonfurta dalka Ameerika.

Ossoff ayaa dhankiisa wuxuu noqdey qofkii ugu horeeyay oo Yahuud ah oo Senator ka noqda Georgia. 33-jirkan, wuxuu si lamid ah noqonayaa Senatorkii ugu da'da yaraa ee golaha ku biira.

Sidda laga soo xigtay warbixinta AP, Warnock ayaa dhibco dhan 1.2 boqolkiiba ama codad gaaraya 62,000 wuxuu kaga adkaadey musharax Kelly Loeffler oo meteleysay xisbiga jamhuuriga.

Dhibcaha uu ku horeeyo Warnock waxaa la rajeynayaa in ay sii kordhaan maadaama tirinta ay wali socoto.

Guuleystaha kale, Ossoff, ayaa dhankiisa codad gaaraya 25,000 ama dhibco dhan 0.25 boqolkiiba wuxuu kaga badiyey musharax David Perdue kaasoo ahaa 71jir xubin ka ah isla xisbiga jamhuuriga. Guuldarooyinka jamhuuriyiintu waxay sii maqaar-xanuun-jineysaa Trump.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hoggaanka Pakistan oo soo gebagebeeyay safar xal loogu raadinayo dagaalka Bariga Dhexe

Dadaalladan ayaa imanaya xilli cadaadis xooggan uu ka dhashay xiritaanka mar kale ee Marinka Hormuz.

  • Caalamka

    18-04-2026

  • 11:46AM

Pete Hegseth oo Sheegay in Maraykanka uu Sii Wadi Doono Go’doominta Dekedaha Iran 

Iskahorimaadkan ayaa markii hore billowday 28-kii Febraayo, ka dib weeraro ay Maraykanka iyo Israa’iil ku qaadeen gudaha Iran.

  • Caalamka

    16-04-2026

  • 03:40PM