Diyaarad ay saarnaayeen ugu yaraan 100 qof oo rakaab ah oo burburtay

Image
Image

ISLAMABAD, Pakistan – Diyaarad rakaab ah oo ay la socdeen ugu yaraan 100 qof ayaa ku burburtay goob degaan ah oo ku taala magaalada Pakistan ka tirsan ee Karachi, sidda ay xaqiijisay Hay'adda Socdaalka dalkaas.

Abdul Sattar Khokhar, afhayeenka hay'adda oo la hadlay warbaahinta, ayaa sheegay in ay baaritaan ku bilaabeen sababta soo ridday.

Duulimaadka oo ahaa PK8303 isla markaana nooca diyaaradda uu ahaa Airbus A320 taasoo ku howlgaleysay magaca Shirkadda Duulimaadyadda Caalamiga ah ee Pakistan ayaa ka yimid magaalada Lahore.

Sawirro iyo muuqaal uu qaadey Telefishinka Qaranka ayaa muujiyey burbur soo gaarey guryo ku yaala meesha ay ku dhacday diyaaradda.

Sidoo kale, muuqaaladda ayaa muujiyey dadweyne dadka degaanka ah oo buux-dhaafiyey goobtu shilku ku dhacay oo gurmad lala gaarey.

Warar horudhac ah oo laga helay mas'uuliyiin kala duwan ayaa waxay tilmaamayaan in ay geeriyoodeen dhamaan dadkii saarnaa diyaaradda.

Sanadkii 2016-kii, duulimaad ganacsi oo ay sameyneysay Shirka Duulimaadyadda Caalamiga ah ee Pakistan taaasoo ku burburtay magaaladda Chitral waxaa ku dhintay 47 ruux oo la xaqiijiyey in ay saarnaayeen diyaarada.

Pakistan ayaa sanadihii lasoo dhaafay dardargelisay qorsheyaal ay ugu diyaar-garoobeyso shilalka diyaaradaha, waxaana kamid ah agabka gurmadka deg-dega oo lagu daad-gureeyay Isbitaalada ku yaala koonfurta waddanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM