Diyaarad rakaab siday oo ku burburtay Garoon ku yaalla Toronto, Canada

Image

Toronto — Diyaarad rakaab sidday oo ay leedahay shirkadda Delta Air Lines ee Mareykanka ayaa shalay ku rogmatay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee magaalada Toronto, shilkaas oo sababay dhaawaca ilaa 19 qof, oo ay ku jiraan saddex ruux oo xaaladdoodu aad u liidato.

Maamulka Garoonka Diyaaradaha Pearson ee Toronto ayaa xaqiijiyay in shilku dhacay shalay abaare 2:15 duhurnimo, kaddib markii diyaaraddu rogmatay oo ay dusha ku istaagtay xilligii ay soo caga dhiganaysay jidka ay diyaaradaha ku ordaan.

Diyaaradda, oo ay saarnaayeen 76 rakaab ah iyo 4 ka mid ah shaqaalaheeda, ayaa kasoo duushay magaalada Minneapolis.

Dhammaan 80-kii qof ee la socday diyaaradda waa la badbaadiyay. Saraakiisha ayaa sheegay in ay u badan tahay in shilka diyaaradda uu sababay baraf xoog leh oo ka da'ay magaalada Toronto. Muuqaal laga soo duubay shilka ayaa muujiyay diyaaradda oo dusheeda ku fadhida iyo shaqaalaha gurmadka oo ku xoomay aaggaasi.

Sida laga soo xigtay Adeegga Saadaasha Hawada ee Canada, garoonka diyaaradaha waxaa buuxiyay baraf, iyadoo ay jireen dabeylo ku socday xawaare dhan 51 kiilomitir saacaddiiba, halka darajada qabowga ay ka hooseysay -8.6 Celsius.

Waa shilkii afraad ee diyaaradeed ee ka dhaca Waqooyiga Ameerika tan iyo bishii hore. Diyaarad helikobter ah iyo mid rakaab sidday ayaa 29-kii Janaayo isku dhacay agagaarka magaalada Washington ee caasimadda Mareykanka, halkaas oo ay ku dhinteen ilaa 67 qof oo u badnaa rakaabkii diyaaradda.

Shil kale oo ka dhacay magaalada Philadelphia ayaa waxaa ku dhintay 6 qof, kaddib markii ay dhacday diyaarad yar oo nooca caafimaadka ah. 10 qof oo kale ayaa iyaguna ku dhintay shil diyaaradeed oo ka dhacay gobolka Alaska.

Related Articles

Heshiiska Is-afgaradka Mareykanka iyo Iiraan: Maxaa ku jira, maxaase weli mugdi ku jira?

Heshiiskan oo ka kooban 14 qodob, isla markaana aan aad u dheereyn, ayaa diiradda…

  • Caalamka

    18-06-2026

  • 12:48AM

Trump: Ruushka Waa Inuu Heshiis Nabadeed La Gaaro Ukraine

Dagaalka Ruushka iyo Ukraine ayaa sababay dhimashada kumannaan qof iyo barakaca malaayiin kale.

  • Caalamka

    16-06-2026

  • 02:00PM