Diyaarada ugu wayn aduunka oo tijaabadii ugu horeysay la geliyay

Image

CALIFORNIA, US – Diyaarada caalamka ugu wayn ayaa duulimaadkii ugu horeysay oo tijaabo ah waxay Sabtidii ka sameysay gobolka California ee Mareykanka.

Si nabad-galyo ayay uga soo degtay garoonka Mojave Air and Space Port iyada oo ay soo dhaweeyeen boqolaal dadwayne ah.

Shirkadda sameysay, Stratolaunch Systems Corp, ayaa shaacisay in ay duulimaad sameyn karto diyaarada wax ka badan laba saacadood.

Xawaaraha ugu badan oo ay saacadiiba jari karto waa 304 km, xili ay gaari karto dhirar ahaan marka ay hawada ku jirto 5,182 mitir.

Magaca loo baxshay diyaaradaan cusub ayaa ah Roc taasi oo dhirarkeeda lagu sheegay in uu dhan yahay garoonka kubada cagta Ameerika.

Diyaaradda ayaa leh lix matoor iyo laba safaq oo diyaaradeed taasi oo ka dhigan in ay qaadi karto rakaab badan halkii mar.

Jean Floyd, madaxa fulinta ee shirkadda Stratolaunch, oo bogaadiyay duulimaadkii ugu horeeyay ayaa rajeeyay in ay howshu sii socoto.

Stratolaunch oo 2011-kii sameeyaya aas-aasaha shirkadda Microsoft ee Paul Allen, kaasi oo geeriyooday bishii October ee sanadkii hore ayaa hadafkeedu wuxuu yahay in dadku helaan adeeg la isku haleyn karo oo hawada sare ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM