Diyaaradaha dagaalka Sucuudiga oo weeraray dekedda Mukalla, xiisadaha ka taagan koonfurta Yemen oo kordhaya

Image

YEMEN (GO) - Diyaaradaha isbahaysiga uu hoggaamiyo Sucuudiga ayaa weerarro cirka ah ka fuliyey dekedda Mukalla ee koonfur-bari Yemen, tallaabo ka dambeysay eedeymo sheegaya in hub halkaas laga soo dejiyey uu ku socday ciidamada gooni-u-goosadka ah ee Golaha Kumeelgaarka Koonfureed (STC), sida ay sheegeen ilo rasmi ah iyo warbaahinta caalamka.

Wararka ayaa sheegaya in weerarrada ay dhaceen kaddib markii isbahaysiga uu ku baaqay in rayidka laga daadgureeyo dekedda Mukalla, iyadoo laga cabsi qabo in halkaasi ay noqoto goob dagaal oo cusub. Sucuudiga ayaa STC ku eedeeyey inay qaadday tallaabooyin halis gelinaya xasilloonida Yemen, isla markaana ay ku xadgudbayso heshiisyadii wadajirka ahaa ee amniga.

Isku dhacyada iyo xiisadda sii kordheysa ayaa imanaya xilli ay sii kala fogaanayaan mowqifyada Sucuudiga iyo Imaaraadka Carabta, kuwaas oo horey u ahaa xulufo dhow balse hadda taageera dhinacyo kala duwan oo ku sugan Yemen. STC, oo taageero ka helaysa Imaaraadka, ayaa gacanta ku haysa qaybo muhiim ah oo ka mid ah koonfurta dalka.

Dhanka kale, Golaha Hoggaaminta Madaxweynaha Yemen (PLC) ayaa ku dhawaaqay tallaabooyin amni oo degdeg ah, oo ay ka mid yihiin xiritaanka ku-meel-gaarka ah ee dekedaha, garoomada diyaaradaha iyo xuduudaha dhulka muddo 72 saacadood ah, iyo xaalad degdeg ah oo qaran oo socon doonta 90 maalmood, sida lagu sheegay war ka soo baxay golaha.

Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegay in tallaabooyinkan ay la xiriiraan walaac laga qabo in colaadda u dhexeysa dowladda Yemen iyo STC ay isu beddesho dagaal ballaaran, inkastoo weli aysan jirin xaqiijin rasmi ah oo ka timid hay’adaha caalamiga ah oo ku saabsan wararka sheegaya in Yemen ay burisay heshiisyadii difaaca ee ay la lahayd Imaaraadka ama ay dalbatay bixitaanka ciidamo Imaaraad ah.

Yemen ayaa tan iyo 2014 ku jirtay colaad daba-dheeraatay oo u dhexeysa dowladda caalamka aqoonsan yahay iyo fallaagada Xuutiyiinta, iyadoo ay marba marka ka dambeysa ku soo biirayaan dhinacyo kale oo hubeysan. Colaadda ayaa sababtay musiibo bani’aadannimo oo baahsan, malaayiin qofna ay u baahan yihiin gargaar degdeg ah.

Isbahaysiga Sucuudiga ayaa sheegay in uu sii wadi doono tallaabo kasta oo uu u arko mid lagu ilaalinayo amniga Yemen, halka beesha caalamkuna ay ku baaqday in la muujiyo is-xakameyn laguna laabto wadahadal siyaasadeed si loo yareeyo xiisadda sii kordheysa.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Giorgia Meloni iyo Amiirka Qatar oo ka wada hadlay dhibaatada ka dhalatay xirnaanshaha Hormuz

Meloni ayaa booqashadan ku tagtay Qatar maalin Sabti ah, waana joogteeda labaad ee safar ay ku mareyso gobolka oo ka bilowday Sucuudiga.

  • Caalamka

    04-04-2026

  • 06:15PM

Iran oo soo riday diyaarad, duuliye Mareykanka oo la raadinayo

Tehran ayaa kaga jawaabtay weerarro diyaarado aan duuliye lahayn iyo gantaallo ah oo lagu beegsaday Israa’iil, iyo sidoo kale Urdun.

  • Caalamka

    03-04-2026

  • 06:19PM