Diyaaradaha Ruushka oo markale galay hawada Turkiga.

Image

Turkiga ayaa ku eedeeyey diyaaradaha dagaalka dalka Ruushka ee duqaynta ka wada Suuriya inay markale ku soo xad gudbeen hawadiisa isagoo ka digay cawaaqib xumada ka dhalan karta hadii falalkaas gardarada ahi sii socdaan.

Wasaaradda Arrimaha Dibada Turkiga ayaa sheegtay in diyaarada Ruushku leeyahay ay ku soo xad gudubtay jimcihii hawada dalkaas dhinaca xigta xadka Suuriya laakiin Moosko ayaa ku tilmaantay eedayntaas dacaayad aan raad lahayn.

Xiisadaha labada dal u dhaxeeya ayaa cirka ku shareernaa tan iyo bishii November ee sanadkii tegay markaas oo Turkigu soo riday diyaarad uu lahaa Ruushku.

Ruushka ayaa duqaymo ka waday dalka Suuriya tan iyo bishii September iyagoo bartilmaameedsanaya xoogaga la dagaalamay Xukuumada Bashaar Al~Asad oo ay xulufo yihiin.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibada Turkiga ayaa lagu sheegay in diyaarad ruushku leeyahay oo nooceedu yahay SU-34 ay u soo talaabtay hawadooda maalinimadii Jimcaha saacadu markay ahayd 11:45 iyadoo iska dhego tirtay dhowr digniinood oo loo diray kuwaas oo ku baxayey luuqadaha Ingiriiska & Ruushka.

Waxay sheegeen in Wasaaraddu u yeertay Safiirka Ruushka u fadhiya Ankara si ay u muujiyaan kacsanaantooda & canbaaraynta dhacdadaas.

Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa uga digay Sabtidii Ruushka inay wajahayaan cawaaqib xumo hadii ay ku sii socdaan xadgudubyada.

"Talaabooyinkan qayrul masuulnimada ah dan uguma jirto Dalka Ruushka, ama xiriirka kala dhexeeya Ruushka isbaahaysiga Naato ama nabadgelyada Gobolka & tan dunida" Ayuu yiri Madaxweyne Erdogan.

Wuxuu sheegay inuu si joogta ah u weydiisanayey dhigiisa Ruushka Vladimir Putin inay kulmaan laakiin isku dayadaasi ma guulaysan.

Isbaahaysiga Naato oo Turkigu xubin ka yahay ayaa ugu baaqay sabtidii Ruushka inay qaataan masuuliyad iyo inay si buuxda u ixtiraamaan hawada Naato sidoo kalena ay qaadaan talaabo kasta oo lagama maarmaan ah si ay u hubiyaan in aan xadgudubkani markale dib u dhicin.

Xiriirka ka dhexeeya Ruushka & Turkiga oo ku kala aragti duwanaa Madaxweyne Assad wuxuu hoos u dhacay kadib markii diyaarad Turkigu leeyahay oo nooceedu yahay F-16s ay soo riday diyaarad Ruushku leeyahay SU-24, 24 November sanadkii tegay.

Turkigu waxay sheegeen in diyaaradaasi ku soo xad gudubtay hawadooda ayna iska dhego tirtay digniino is xigxigay oo loogu baaqayey inay dib uga baxdo hawadooda.

Ruushka ayaa ku adkaystay in aanay diyaaradiisu marna ka gudbin hawada Suuriya isla markaasna aanay helin wax digniino ah.

Labada hogaamiye ayaa hadalo kulul is waydaarsaday iyadoo Ruushku ku soo rogay Turkiga cunaqabatayno taas oo uu uga gol leeyahay inuu ku dhaawaco dhaqaalihiisa.

Moosko waxay mamnuucday cuntooyinkii lagala soo degi jiray Turkiga, in dadkoodu u dalxiis tagaan dalkaas & inay joojisay inta badan mashaariicdii dhisme ee shirkadaha Turkigu ka wadeen dalkooda taas oo la saadaalinayo inay dhaqaalaha Turkiga ugu kacdo ugu yaraan qiime dhan $10bn.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump: In dagaalka Iran sii socdo waxaan ka doorbidayaa heshiis

Trump ayaa sheegay in saraakiisha Iran ay la soo xiriireen maamulkiisa ayna dalbadeen in la wada hadlo.

  • Caalamka

    06-08-2026

  • 07:11AM

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM