Diyaaradda France oo laga helay qarax macmal ah

Image
Image

21 December, 2015(GO)-Baaritaan lagu sameeyay aalad laga helay diyaar shaki Bamb dartiis ugu dagtay magalada Mumbasa dalka Kenya ayaa waxaa la ogaaday inuu ahaa qarax macmal ah iyadoo loo xiray afar kamid ah dadkii diyaaradda saarnaa.

Diyaaradda oo lagu magacabo Air Franca ayaa katimi magalada Mauritius dalka Island, waxayna ku sii jeeday Paris xarunta Faransiiska, balse waxa hakad galiyay shaki lagu muujiyay alaab kartoon ku xiran una eg qarax oo laga helay musqusha diyaaradda.

Boliiska dalka Kenya iyo khuburo faransiis ah ayaa baaritaan ku sameeyay aaladda, waxayna ogaadeen inuusan ahayn qarax balse loo ekeysiiyay, waxayna su'aalo weydiiyeen rakaabkii diyaaradda.

Afar kamid ah ayaa Boliisku ka shakiyay, waxaana la dhigay xabsiga si baaritaano dheeri ah loogu sameeyo.

Madaxa shirkadda iska leh diyaaradda ayaa ka mahad celiyay dadaalka loo galay arrintaasi iyo bad baadinta shacabka.

Bishii Octobar ayay ahayd markii ay qaraxday diyaarad laga leeyahay dalka Rushka, waxaan baaritaan dheer kadib la ogaaday in walxaha qarxa lagu sii diyaariyay, kadib ku qaraxday gacanka Sinai dalka Masar.

GAROWEONLINE

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM