Donald Trump oo codsi u diray Madaxweynaha Israa’iil si uu u cafiyo Ra’iisul Wasaare Netanyahu

Image

Tel Aviv, Israa’iil — Madaxweynaha Israa’iil Isaac Herzog ayaa helay warqad uu u soo diray Madaxweyne Donald Trump, taas oo uu ku dalbanayo in la tixgeliyo cafis loo fidiyo Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha Israa’iil.

Netanyahu ayaa sanadkii 2019 lagu soo oogay eedo la xiriira musuqmaasuq, laaluush iyo ku xadgudub xil. Wuxuu ku dooday inuusan wax dambi ah gelin, isla markaana uu yahay eedeyn siyaasadeysan.

Maxkamaddiisa oo bilaabatay sanadkii 2020 weli go’aan kama gaarin dacwadda, iyadoo marar badan hakad gashay labadii sano ee dagaallada iyo qalalaasaha ka taagnaa Bariga Dhexe awgeed.

Warqadda uu diray Trump, oo uu xafiiska Herzog faafiyay, ayaa lagu yiri: “In kasta oo aan si buuxda u ixtiraamo madaxbannaanida nidaamka garsoorka Israa’iil iyo shuruudihiisa, haddana waxaan aaminsanahay in dacwaddan ka dhanka ah Bibi, oo muddo dheer ila garab socday, gaar ahaan dagaalka adag ee ka dhanka ah cadowga Israa’iil, Iran, ay tahay mid siyaasadeysan oo aan cadaalad ahayn.”

Ilaa hadda ma jiro jawaab rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Netanyahu ama dhinaca garsoorka Israa’iil.

Image

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM