Trump oo hanjabaad kale u jeediyay hay'adda caafimaadka aduunka

Image

WASHINGTON, US - Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Isniintii ku hanjabay inuu si joogto ah u joojin doono maal-gelinta hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO, haddii aysan ballan-qaadin inay horumarro ku sameyn doonto 30 maalmood gudahood.

Trump ayaa sidoo kale sheegay inuu dib uga fakari doono xubinnimada Mareykanka ee hay’addaas.

Trump ayaa bishii tagtay si ku-meel gaar ah u joojiyey tabarucaaddii Mareykanka ee WHO, isaga oo ku eedeeyey inay taageereyso “akhbaaraadka qaldan” ee Shiinaha ay ka bixinayaan cudurka Coronavirus, eedeymahaas oo WHO ay beenisay.

“Haddii WHO aysan ku ballan-qaadin horumarro weyn oo la taaban karo 30-ka malamood ee soo socda gudahood, waxaana hakinta ku-meel gaarka ah ee aan ku sameeyey maal-gelinta WHO ka dhigi doonaa mid joogto ah, waxaana dib uga fakari doonaa xubnnimadeeda,” ayuu Trump ku sheegay warqad uu u diray agaasimaha WHO Tedros Adhanom Ghebreyesus, oo uu twitter-ka soo dhigay.

Trump ayaa horey u sheegay in WHO ay sameysay “shaqo laga niyad jabo” marka ay timaado habka ay ula tacaashay fayruska, islamarkaana uu dhowaan qaadan doono go’aanka Mareykanka ee maal-gelinta WHO.

Warqaddan ayaa Trump waxa uu ku sheegay in waddada kaliya ee horey loogu socon karo ay tahay in WHO ay muujiso inay ka madax-banaan tahay Shiinaha, wuxuuna intaas ku daray in maamulkiisa uu goor horeba billaabay wada-hadallo dib u habeyn oo uu la leeyahay Tedros.

WHO ayaa Isniintii sheegtay in dib u eegis madax banaan oo lagu sameynayo jawaabta caalamka ee Coronavcirus loo billaabi doono sida ugu dhaqsiyaha badan, islamarkaana taageero iyo ballan-qaad maal-gelin oo weyn ay ka heshay Shiinaha, oo ah dalka uu fayruska kasoo billowday.

VOA + GO

Related Articles

UK oo dib u soo celisay xiriirka diblomaasiyadeed ee Syria

Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Wadashaqeynta Caalamiga ah iyo Horumarinta ayaa sidoo kale ku dhawaaqday xirmo gargaar bini’aadantinimo.

  • Caalamka

    06-07-2025

  • 11:19AM

Iran: "Haddii Israel Markale Nasoo Weerarto, Xitaa Maraykanka Ma Badbaadin doono Netanyahu"

Hadalkan ayaa kusoo aadaya iyadoo xiisadaha u dhexeeya Israel iyo Iiraan ay sii kordhayaan, kadib markii dagaallo iyo weeraro isdhaafsi ah.

  • Caalamka

    06-07-2025

  • 05:44AM