Trump oo hanjabaad kale u jeediyay hay'adda caafimaadka aduunka

Image

WASHINGTON, US - Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Isniintii ku hanjabay inuu si joogto ah u joojin doono maal-gelinta hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO, haddii aysan ballan-qaadin inay horumarro ku sameyn doonto 30 maalmood gudahood.

Trump ayaa sidoo kale sheegay inuu dib uga fakari doono xubinnimada Mareykanka ee hay’addaas.

Trump ayaa bishii tagtay si ku-meel gaar ah u joojiyey tabarucaaddii Mareykanka ee WHO, isaga oo ku eedeeyey inay taageereyso “akhbaaraadka qaldan” ee Shiinaha ay ka bixinayaan cudurka Coronavirus, eedeymahaas oo WHO ay beenisay.

“Haddii WHO aysan ku ballan-qaadin horumarro weyn oo la taaban karo 30-ka malamood ee soo socda gudahood, waxaana hakinta ku-meel gaarka ah ee aan ku sameeyey maal-gelinta WHO ka dhigi doonaa mid joogto ah, waxaana dib uga fakari doonaa xubnnimadeeda,” ayuu Trump ku sheegay warqad uu u diray agaasimaha WHO Tedros Adhanom Ghebreyesus, oo uu twitter-ka soo dhigay.

Trump ayaa horey u sheegay in WHO ay sameysay “shaqo laga niyad jabo” marka ay timaado habka ay ula tacaashay fayruska, islamarkaana uu dhowaan qaadan doono go’aanka Mareykanka ee maal-gelinta WHO.

Warqaddan ayaa Trump waxa uu ku sheegay in waddada kaliya ee horey loogu socon karo ay tahay in WHO ay muujiso inay ka madax-banaan tahay Shiinaha, wuxuuna intaas ku daray in maamulkiisa uu goor horeba billaabay wada-hadallo dib u habeyn oo uu la leeyahay Tedros.

WHO ayaa Isniintii sheegtay in dib u eegis madax banaan oo lagu sameynayo jawaabta caalamka ee Coronavcirus loo billaabi doono sida ugu dhaqsiyaha badan, islamarkaana taageero iyo ballan-qaad maal-gelin oo weyn ay ka heshay Shiinaha, oo ah dalka uu fayruska kasoo billowday.

VOA + GO

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM