Trump oo lagu eedeeyay "hurinta kacdoon iyo faafinta been abuur"

Image

WASHINGTON, US – Barasaabka gobolka Washington, Jay Inslee oo qoraal soo dhigay Twitter-ka, ayaa madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ku eedeeyay "dhiiragelinta kacdoon iyo faafinta been abuur".

Eedeynta ayaa ka dambeysay markii Trump uu ka codsadey taageereyaashiisa in ay "xorreeyaan" saddex gobol oo ay madax ka yihiin gudoomiyeyaal ka tirsan xisbiga uu loolanka kala dhaxeeyo ee dimuqraadiga.

Hadalka Trump ayaa u muuqdey mid uu ku karaar-siinayey banaanbaxyadda ka socda gobolada Minnesota, Michigan iyo Virginia.

"War-saxaafadeedka madaxweynaha ee subaxaan wuxuu dhiiragelinayaa sharci darro iyo talaabooyin halis ah. Nolosha malaayiin dad ah ayuu halis u gelinayaain ay qaadaan Covid-19," ayuu Jimcadii soo qoray.

Ismaamulada aan soo xusnay waxay lagu soo rogay go'aan ah in dadku joogaan guriyahooda cabsida Coronavirus darteed, balse waxaa ka dhacay mudaaharaadyo lagu dalbanayo in la qaado.

Khuburada caafimaadka ayaa ka digay in hadii la dabciyo go'aanadaas ay xaaladda kasii dari karto, iyagoo soo jeediyey in la xoojiyo ka hortaga.

Kiisaska fayruska safmareenka ah ee gudaha Mareykanka ayaa kor-u-dhaafaya 700-kun oo ruux, waxaana dhimashadda ay ka badan tahay 36-kun; baqdinta laga qabo in ay intaas kasii baataan aad bey u sareysaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jay Clayton: Iran waxay diyaarisay qorshayaal ay ku beegsanayso ciidamada Mareykanka ee Bariga Dhexe

Warbixintan ayaa imaanaysa iyadoo hore loo soo tebiyay tallaabooyin amni oo la xiriira joogitaanka Mareykanka ee gobolka.

  • Caalamka

    25-10-2026

  • 05:45AM

Obama: “Iran waxay maanta ka awood badan tahay sidii ay ahayd ka hor dagaalka”

Obama ayaa hadalkan ka jeediyay isu-soo-bax olole doorasho oo ka dhacay Cleveland, gobolka Ohio, Sabtidii.

  • Caalamka

    25-10-2026

  • 05:20AM