Trump oo lagu eedeeyay "hurinta kacdoon iyo faafinta been abuur"

Image

WASHINGTON, US – Barasaabka gobolka Washington, Jay Inslee oo qoraal soo dhigay Twitter-ka, ayaa madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ku eedeeyay "dhiiragelinta kacdoon iyo faafinta been abuur".

Eedeynta ayaa ka dambeysay markii Trump uu ka codsadey taageereyaashiisa in ay "xorreeyaan" saddex gobol oo ay madax ka yihiin gudoomiyeyaal ka tirsan xisbiga uu loolanka kala dhaxeeyo ee dimuqraadiga.

Hadalka Trump ayaa u muuqdey mid uu ku karaar-siinayey banaanbaxyadda ka socda gobolada Minnesota, Michigan iyo Virginia.

"War-saxaafadeedka madaxweynaha ee subaxaan wuxuu dhiiragelinayaa sharci darro iyo talaabooyin halis ah. Nolosha malaayiin dad ah ayuu halis u gelinayaain ay qaadaan Covid-19," ayuu Jimcadii soo qoray.

Ismaamulada aan soo xusnay waxay lagu soo rogay go'aan ah in dadku joogaan guriyahooda cabsida Coronavirus darteed, balse waxaa ka dhacay mudaaharaadyo lagu dalbanayo in la qaado.

Khuburada caafimaadka ayaa ka digay in hadii la dabciyo go'aanadaas ay xaaladda kasii dari karto, iyagoo soo jeediyey in la xoojiyo ka hortaga.

Kiisaska fayruska safmareenka ah ee gudaha Mareykanka ayaa kor-u-dhaafaya 700-kun oo ruux, waxaana dhimashadda ay ka badan tahay 36-kun; baqdinta laga qabo in ay intaas kasii baataan aad bey u sareysaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hoggaamiyaha cusub ee Iran oo weli "qarsoon" iyo shaki ku saabsan noloshiisa

Maqnaanshahan ayaa si weyn uga duwan hab-dhaqankii aabbihii, Ayatollah Ali Khamenei.

  • Caalamka

    22-04-2026

  • 09:29AM

Trump Oo Kordhiyay Xabbad-joojinta Maraykanka iyo Iiraan

Go’aanka ayaa yimid iyadoo wareeg cusub oo wadahadallo ah la filayay, balse xaaladda ay weli mugdi ku jirto.

  • Caalamka

    22-04-2026

  • 07:54AM