Donald Trump oo saxiixay sharci uu kal horey diidey

Image

WASHINGTON, US – Madaxweyne Donald Trump ayaa ugu dambeyntii wuxuu saxiixay sharci kasoo baarlamaanka Mareykanka u meelmariyey si qoondo maaliyadeed loogu sameeyo ka hortagga safmareenka Coronavirus.

Sidoo kale, sharcigaas waxaa ku jirta miisaaniyadda dowladda Mareykanka. Saxiixa madaxweynaha wuxuu ka hortagayaa in howlaha xukuumadda hakad u galaan miisaaniyad la'aan awadeed taasoo laga cabsi qabay.

Trump ayaa horey u diidey in uu saxiixo sharciga sababo la xiriira "kharashaad badan oo lagu bixinayo goobo aan munaasab ahayn" wuxuuna ku baaqay in dakhliga ugu badan loo qoondeeyo dadka Covid-19 saameeyay.

Dib-u-dhaca ku yimid saxiixa sharciga ayaa la macno ah in malaayiin doolar si ku meelgaar ah ugu khasaartey faa'iidooyinka laga helay shaqo la'aanta.

Lacagta la qoondeeyay oo dhan $900 bilyan ayaa waxaa dhowaan meelmariyey labada Aqal ee xeer-dejinta Mareykanka kadib bilooyin wadahadalo.

Qoondadaas waxaa ku jirta $1.4tn oo loogu talagalay in lagu kharash-gareeyo shaqooyinka caadiga ah ee Dowladda federaalka ah ee Mareykanka.

Xildhibaanadda Jamhuuriga iyo Dimuqraadiga ayaa ku tartarsiiyey madaxweyne Donald Trump in uu saxiixo sharciga kahor inta uusan idlaan waqtiga kama dambeysta ah oo ah bartamaha habeenimada caawa oo Isniinta ah.

Hadii Trump uusan saxiixi lahayn sharciga, qaar kamid ah hay'addaha dowladda Mareykanka, ayaa albaabada la isugu dhufan lahaa illaa sharci-dejiyeyaasha ay kasoo saaraan xeer kale oo firaaqaas loogu hortagi lahaa.

Ku dhowaad 14 milyan oo Ameerikaan ah ayaa waxaa maalmihii u dambeeyay ka hakaday dhaqaalo ay dowladda ku siin-jirtay in ay shaqo la'aan yihiin. Balse, saxiixa madaxweynaha wuxuu la macno yahay in ay dib u helayaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ku-xigeenka Mareykanka oo Qiray Qaladaad ay Dawladdiisu Gashay

Maraykanka ayaa sannadkii hore marar kala duwan dib u dhigay baahinta faylasha Epstein oo ahaa dambiile lagu helay dambiyo la xidhiidha galmo.

  • Caalamka

    16-07-2026

  • 10:23AM

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran oo gaarey Qatar 

Sheekh Xamad bin Khaliifa Aal Thaani ayaa geeriyooday Axaddii, waxaana dowladda Qatar ku dhawaaqday afar maalmood oo baroordiiq qaran ah.

  • Caalamka

    15-07-2026

  • 01:45PM