Doon siday boqolaal muhaajiriin oo ku degtey Mediterranean-ka

Image
Ilaa 17,600 oo qof soo-galooti ah ayaa sanadkan gaaray Talyaaniga tan iyo 10-kii bishan March.

ROMA, Italy - 30 qof ayaa la la'yahay 17 kalena waxaa laga soo badbaadiyay bartamaha badda Mediterranean-ka kadib markii doonidii ay ka soo raaceen Liibiya ay degtay xilli ay cimiladu xumaatay, sida ay sheegeen ilaalada xeebaha Talyaaniga.

Hawlgallada samatabbixinta ayaa waxaa taageerayay maraakiibta ganacsiga iyo taageerada hawada ee wakaaladda xuduudaha ee Midowga Yurub ee Frontex.

Labo markab oo ganacsi oo dheeraad ah ayaa ku sii jeeday deegaanka si ay wax ugu biiriyaan gurmadka muhaajiriinta soo tahribay, sida ay sheegeen ilaalada xeebaha.

Awoodda Rome ay u leedahay in ay ku badbaadiso muhaajiriinta badda ku jira ayaa laga quustey ka dib markii 26-kii Febraayo doon ku degtet meel u dhow gobolka koonfurta ee Calabria halkaasoo ay ku dhinteen ugu yaraan 79 ruux.

Ciidamada ilaalada xeebaha ayaa Sabtidii sheegay in in ka badan 1,300 oo muhaajiriin ah lagu soo badbaadiyay saddex howlgal oo kala duwan oo laga sameeyay cirifka koonfureed ee Talyaaniga, iyadoo 200 oo kalena laga soo badbaadiyay Sicily.

Tirada dadka soo galootiga ah ee imaanaya dalka Talyaaniga ayaa ah mid aad u kordheysa, iyadoo cadaadis xooggan ay saaran tahay dowladda muxaafidka ah ee dalkaasi oo xilka la wareegtay bishii October ee sanadkan.

Cadaadiska ayaa salka ku haya in ay ballan qaaday inay dhimeyso qulqulka muhaajiriinta ka imaanaya Waqooyiga Afrika iyo Turkiga kuwaasoo si weyn u kordhay tan iyo bilowgii sanadkan.

Ilaa 17,600 oo qof ayaa sanadkan gaaray Talyaaniga tan iyo 10-kii March, marka la barbardhigo 2022 oo ay gaareen lix kun. Boqolaal qof ayaa sidoo kale ku dhintay iyagoo isku dayaya inay ka gudbaan badda Mediterranean-ka si ay gaaraan Yurub.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM