Dooni ay la socdeen 550 qof oo ku degtey xeebaha Talyaaniga

Image

April 15, 2015 (GO)- Doon ay la socdeen 550 qof oo muhaajiriin ah ayaa ku degtey xeebaha dalka Talyaaniga.

Ciidamada ilaalada xeebaha Talyaaniga ayaa ku guuleystey inay soo badbaadiyaan 144 qof oo dhallinyaro u badan, waxaase weli la la'yahay in ka badan 400 oo kale.

Waxaa socda hawlgallo dhanka cirka iyo badda ah kuwaasoo lagu baadi goobayo haddii ay jiraan dad shilkaas ka badbaadey.

Hay'adda Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha qaxootiga ee magaceeda loosoo gaabiyo UNHCR ayaa sheegtay in afartii maalmood ee ugu dambeeyey ay xeebaha dalka Talyaaniga soo gaareen muhaajiriin tiradoodu gaareyso 8,500 qof.

UNHCR waxay sidoo kale sheegtay in sanadkii hore ee 2014 xeebaha u dhexeeya Libya iyo Italy ay ku geeriyoodeen 3, 072 qof, tiradaasoo aad u badan marka loo barbar dhigo dadkii badda Mediterranean-ka ku geeriyoodey sanadkii 2013 oo ahayd 700 oo oqof.

Sanadkii lasoo dhaafey oo keliya, waxaa dalalka Midowga Yurub gaarey 280, 000 oo qof, dadkaasoo badankoodu ka tegey dalalka Syria, Eritrea iyo Somalia.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo ka difaacay Maxamed Bin Salman Su'aal laga waydiiyay dilkii Khashoggi

Kulanka Aqalka Cad ayaa sidoo kale lagu heshiiyey arrimo dhaqaale iyo milatari, oo ay ka mid yihiin iibinta diyaarado dagaal oo F‑35 ah.

  • Caalamka

    19-11-2025

  • 09:41AM

Bangladesh: Ra’iisul Wasaarihii hore Sheikh Hasina oo lagu xukumay dil

Maxkamaddu sidoo kale waxay xukuntay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, Asaduzzaman Khan.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 11:02AM