Doonyo "siday" walxo qarxa oo la burburiyey

Image

RIYADH, Saudi Arabia – Isbaheysiga Carbeed ee dagaalka kawada Yemen ayaa shaaca ka dhigay in uu gacanta ku dhigay isla markaana burburiyey doonyo sidday walxo qarxa, sidda ay ku warantay saxaafada maxaliga ah.

Turki al-Maliki, afhayeenka xulafada oo u waramay warfidiyeenka, ayaa Khamiista maanta ah wuxuu ka dhawaajiyey in doonyahaas ay lahaayeen falaagada la sheegay in ay Iiraan taageerto ee Xuutiyiinta.

"Doonyahan waxay khatar ku ahaayeen ammaanka gobolka iyo caalamka, marinka badeeda iyo ganacsiga aduunka," ayuu raaciyey.

Sidda laga soo xigtay afhayeenka, doonyaha ayaa ka yimid gobolka Hodeidah halkaasoo la wariyey in Xuutiyiinta ay u tahay saldhig ay kasoo qaadaan weerarada sawaariiqda, drones-ka iyo gantaaladda.

Marka laga soo tago sheegashadda Isbaheysiga, ma jiraan illo madax-banaan oo xaqiijinaya iyo caddeymo ay sawirro ku jiraan oo la baahiyey.

"Talaabada ay Xuutiyiinta kusoo daabuleen doonyahan waxay xadgudub ku tahay heshiiska xabad-joojinta ee Hodeidah ee lagu saxiixay Stockholm [caasimadda Sweden]," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Al-Maliki.

Yemen waxaa tobanaan sano ka oogan colaad galaaftay nolosha boqolaal, kuna barakaceen kumanaan kale mana muuqato saan-saan ay deg-deg ugu soo afjarmeyso colaadda oo u muuqata mid sii karaar-qaadaneysa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo Maraakiib Shidaal ku gubtay Hormuz xili Trump soo saarey Digniin Culus

Waxa uu intaas ku daray in Tehran ay faafinayso sheegashooyin been ah oo ku saabsan maraakiib la weeraray iyo miinooyin badeed.

  • Caalamka

    23-10-2026

  • 07:55AM

Baaritaanka Ilhaan Cumar oo galay marxalad cusub iyo muranka ka taagan dhalashadeeda Mareykanka

Dad badan oo qaxooti ahaan loogu wareejiyay Mareykanka ayaa aqoonsigooda lagu saleeyay….

  • Caalamka

    23-10-2026

  • 06:43AM