Doonyo "siday" walxo qarxa oo la burburiyey

Image

RIYADH, Saudi Arabia – Isbaheysiga Carbeed ee dagaalka kawada Yemen ayaa shaaca ka dhigay in uu gacanta ku dhigay isla markaana burburiyey doonyo sidday walxo qarxa, sidda ay ku warantay saxaafada maxaliga ah.

Turki al-Maliki, afhayeenka xulafada oo u waramay warfidiyeenka, ayaa Khamiista maanta ah wuxuu ka dhawaajiyey in doonyahaas ay lahaayeen falaagada la sheegay in ay Iiraan taageerto ee Xuutiyiinta.

"Doonyahan waxay khatar ku ahaayeen ammaanka gobolka iyo caalamka, marinka badeeda iyo ganacsiga aduunka," ayuu raaciyey.

Sidda laga soo xigtay afhayeenka, doonyaha ayaa ka yimid gobolka Hodeidah halkaasoo la wariyey in Xuutiyiinta ay u tahay saldhig ay kasoo qaadaan weerarada sawaariiqda, drones-ka iyo gantaaladda.

Marka laga soo tago sheegashadda Isbaheysiga, ma jiraan illo madax-banaan oo xaqiijinaya iyo caddeymo ay sawirro ku jiraan oo la baahiyey.

"Talaabada ay Xuutiyiinta kusoo daabuleen doonyahan waxay xadgudub ku tahay heshiiska xabad-joojinta ee Hodeidah ee lagu saxiixay Stockholm [caasimadda Sweden]," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Al-Maliki.

Yemen waxaa tobanaan sano ka oogan colaad galaaftay nolosha boqolaal, kuna barakaceen kumanaan kale mana muuqato saan-saan ay deg-deg ugu soo afjarmeyso colaadda oo u muuqata mid sii karaar-qaadaneysa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM