Natiijada doorashada dalka Guinea oo la shaaciyay

Image

18 Octobar, 2015(GO)-Madaxweynaha dalka Guinea Alpha Conde, ayaa mar labaad ku guulaystay madaxtinimada waddankaasi, isagoo helay 58% codadkii la tirayay.

Guddiga doorashada dalkaasi ayaa lix maalin ka dib ku dhawaaqay natiijada, iyagoo  xusay in wareegii koowaadba guulaystay Conde.

Hogaamiyaha ugu weyn mucaaradka Cellou Dalein Diallo ayaa codbixinta ku tilmaamay mid la musuq-maasuqay, wuxuuna helay 30% codadkii la tirayay.

Korjoogtada caalamiga ah ayaa waxa ay sheegayaan in dhibaato jirtay maalintii doorashada, laakiin ceebahaasi yaryar aysan saameyneynin natiijada.

Waxaa la sheegayaa rabshada u dhexeeya taageerayaasha labada dhinac ka jiraan meelaha qaar. Laakiin maalintii doorashada waxay ahayd mid nabadeed.

Dalka Guinea, waxaa gumaysan jiray Faransiiska, waxayna hornimadooda heleen 1958, ilaa 2008 dalka waxaa u soo talinayay labo hogaamiye oo kaligood talis ah.

Conde, ayaa madaxtinimada waddankaasi qabtay 2010-kii labo sano oo Milatari dalka maamulayay ka dib.
March, 2014 Guinea, waxaa ka dillaacay cudurka Ebola oo dilay In ka badan, 2,500 qof.

GAROWEONLINE

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM