Doorashada Israa’iil: Natiijo aan weli caddayn iyo loollan ku saabsan dhismaha dowladda

Image

Doorashada guud ee Israa’iil ayaa ku dhammaatay xaalad aan weli la hubin cidda awoodi doonta inay soo dhisto dowladda cusub, iyadoo ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu iyo mucaaradka uu hoggaamiyo Gadi Eisenkot midkoodna uusan helin aqlabiyadda baarlamaanka ee looga baahan yahay inuu kaligiis dowlad soo dhiso. 

Baarlamaanka Israa’iil, oo loo yaqaan Knesset, wuxuu ka kooban yahay 120 kursi, waxaana dowladda lagu dhisaa taageerada ugu yaraan 61 mudane.

.Exit polls-ka ay baahiyeen telefishinnada Israa’iil ayaa muujiyey in isbahaysiga Netanyahu uu heli karo ku dhowaad 50 kursi, halka xisbiyada mucaaradka ee uu hoggaamiyo Eisenkot lagu qiyaasay 52 ilaa 53 kursi. Xisbiyada Carabta ayaa la saadaaliyey inay helaan 17 ilaa 18 kursi, taasoo ka dhigaysa arrintooda mid muhiim u noqon karta wadaxaajoodyada lagu dhisayo dowladda. 

Mucaaradku wuxuu sheegay in natiijooyinka hordhaca ahi muujinayaan in shacabka ay doonayaan isbeddel siyaasadeed, halka xisbiga Likud ee Netanyahu uu ku dooday in weli ay suurtagal tahay in la dhiso dowlad cusub oo garabka midig ah. Si kastaba, tirada kuraasta ee rasmiga ah ayaa weli muhiim u ah go’aaminta cidda haysata fursadda ugu badan ee ay ku dhisi karto isbahaysi. 

Tallaabada xigta, Madaxweynaha Israa’iil Isaac Herzog ayaa la tashan doona hoggaamiyeyaasha xisbiyada, kaddibna wuxuu musharraxa u arko inuu fursad u leeyahay dhismaha dowlad siin doonaa waqti gaaraya lix toddobaad si uu taageero uga helo ugu yaraan 61 mudane. Haddii wadaxaajoodyadu fashilmaan, waxaa dhici karta in doorasho kale la qabto, iyadoo dowladda Netanyahu ay sii ahaanayso dowlad ku-meel-gaar ah. 

Doorashada Israa’iil weli ma keenin natiijo siyaasadeed oo go’an. Indhaha ayaa hadda lagu hayaa tirinta codadka rasmiga ah iyo wadaxaajoodyada xisbiyada, gaar ahaan doorka xisbiyada Carabta oo kuraastoodu saamayn ku yeelan karto cidda soo dhisaysa dowladda cusub.

Waa doorashadii ugu horeysay oo Israel ka dhacaysa tan iyo markii Ciidamada Yahuuda ku duuleen Gaza 2023, oo halkaas ka geysteen xasuuq ay ku dileen 75,000 oo qof dad ku dhaw oo shacab ahaa, halka ku dhawaad 200,000 ay ku dhaawaceen.

Doorashada oo la qabtay macnaheedu ma aha in Netanyahu isla markiiba xilka ka degayo; wuxuu sii ahaanayaa ra’iisul wasaare ku-meel-gaar ah ilaa dowlad cusub la soo dhiso.

Benjamin Netanyahu wuxuu ra’iisul wasaaraha Israa’iil soo noqday muddo ku dhow 19 sano guud ahaan, marka la isku daro saddexdii xilli ee uu xilka hayey.

1996–1999: Qiyaastii 3 sano.
2009–2021: Qiyaastii 12 sano.
29 Diseembar 2022–28 Oktoobar 2026: Ku dhowaad 3 sano iyo 10 bilood.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jay Clayton: Iran waxay diyaarisay qorshayaal ay ku beegsanayso ciidamada Mareykanka ee Bariga Dhexe

Warbixintan ayaa imaanaysa iyadoo hore loo soo tebiyay tallaabooyin amni oo la xiriira joogitaanka Mareykanka ee gobolka.

  • Caalamka

    25-10-2026

  • 05:45AM

Obama: “Iran waxay maanta ka awood badan tahay sidii ay ahayd ka hor dagaalka”

Obama ayaa hadalkan ka jeediyay isu-soo-bax olole doorasho oo ka dhacay Cleveland, gobolka Ohio, Sabtidii.

  • Caalamka

    25-10-2026

  • 05:20AM