Doorashada Uganda oo la cambaareeyay

Image

Korjoogtada midowga Yurub ee kusugan Ugandha ayaa waxa ay dhalleceeyeen sida ay u dhacday doorashadii Khamiistii ee madaxtinimada iyo baarlamaanka ee dalkaasi.

Mid ka mid ah indha indheeyayaasha oo ka socda baarlamaanka Yurub, Jo Leinen waxa uu sheegay in codeynta ay hareysay akhbaaraad waxrbaahineed oo aan cadaalad ahayn.

Wuxuuna intaa raaciyay in doorashada lagu qabtay jawi cabsi iyo caga jugleyn ah oo shacabka iyo musharrixiinta ay la kulmeen.

Guddiga doorashada waxaa la filayaa inuu shaaciyo natiijada ugu dambeyso maanta oo sabti ah.

Madaxweyne Yoweri Museveni ayey u badan tahay inuu kordhisto xilligii sodonka sano ee Ugandha uu xukumaayay.

Natiijada hordhaca ah waxa ay muujineysaa inuu helay in kabadan boqolkiiba 60da codadkii la dhiibtay.

Ninka matalaya mucaaradka ugu wayn, Kizza Besigye, waxa uu illaa iyo hadda haystaa 34 boqolkiiba.

Xigasho: BBC

Related Articles

Trump oo ka difaacay Maxamed Bin Salman Su'aal laga waydiiyay dilkii Khashoggi

Kulanka Aqalka Cad ayaa sidoo kale lagu heshiiyey arrimo dhaqaale iyo milatari, oo ay ka mid yihiin iibinta diyaarado dagaal oo F‑35 ah.

  • Caalamka

    19-11-2025

  • 09:41AM

Bangladesh: Ra’iisul Wasaarihii hore Sheikh Hasina oo lagu xukumay dil

Maxkamaddu sidoo kale waxay xukuntay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, Asaduzzaman Khan.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 11:02AM