Doorashooyinka Turkiga oo laga soo hormariyay xilligii loo balansanaa

Image
Cod-bixinta oo qorshuhu ahaa in la qabto 18 June ayaa loosoo hormariyay 14, May ee 2023.

ANKARA, Turkey - Madaxweynaha dalka Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, ayaa saxiixay xeer soo hormarinaya doorashooyinka madaxtinimada iyo kuwa barlamaanka ee dalkaasi.

Doorashooyinkan oo qorsheysanaa in la qabto 18 June ayaa loosoo hormariyay 14, May ee 2023 iyada oo madaxweyne Erdogan ku sababeeyay xiliga imtixaanaadka ee waddankaas.

Dastuurka dalka Turkiga gaar ahaan qodobka 116-aad ayuu sheegay in uu ogolaanayo in xilli kasta lasoo horumarin karo coddeynta. Dhanka kale Erdoğan wuxuu carabaabay in ololaha doorashadiisa sanadkaan uu ka duwan yahay kuwii hore.

Erdogan ayaa yiri: "Ololahayga sanadkaan wuxuu noqonayaa oo kaliya kulamo aan muwaadiniinta la qaadanayo waxaana aan u baahannahay in guryo deg-deg loo dhiso".

Dhismaha 319-kun guriyo ah ayuu balan qaaday in ay sanad gudihiis ku dhisi doonaan isla markaana lagu wareejin doono dadkii lahaa ee ay uga bur-bureen dhul-gariirkii dalkaasi ku dhacay.

Guryaha ay waxyeeladu kasoo gaartay dhul-gariirkii ayuu tilmaamay in ay dumin doonaan in ka badan 270 kun oo guri kuwaasi oo ay ku nool yihiin dad gaaraya 800 kun oo qof isla markaana ay tahay in dib u dhis lagu sameeyo.

Xaaladan quusta ah ayaa ka dhalatay dhul-gariirkii dhowaan ka dhacay Turkiga kaasoo galaaftey nolosha ku dhowaad 44-kun ruux ayna ku hanti-beeleen dad malaayiin gaaraya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM