Dowlada Kenya : Kuno ayaa ka dambeeyey weerarka Gaarisa

Image

GAARISA April 2,2015 (GO)- Weerarka maanta loo gaystey Jaamacada Garisa ayaa waxaa la rumeysan yahay inuu ka dambeeyey abaabulkiisa nin u dhashey wadanka islamrkaana ahaa macalin hore.

Maxamad Kuno Gacmadheere oo baxsad ku jirey tan iyo sanadkii hore ayaa dowlada Kenya 215,0000 USD madaxiisa saartey qofkii soo sheega halka uu ku sugan yahay.

Kuno ayaa sidoo kale la rumeysan yahay inuu madax u ahaa weerarkii lagu qaadey magaalada Mandhera kaasoo lagu diley 58 qof.

Maxamad Kuno ayaa sirdoonka Kenya sheegeen inuu madax ka ahaa Iskuul magaciisa la yiraahdo Najah isagoo loo yaqaaney Sadex magac; Shiikh Maxamad, Dulyadin iyo Gacmadheere.

Gacmadheere ayaa sidoo kale la rumeysan yahay inuu ku biirey kooxdaan markii ay bilowdeen ururkii loo aqoon jirey Maxaakiimta kuwaasoo markii dambe kooxda Al-Shabaab ka dilaacdey. Kuno inta aan loo magacaabin weerarada Al-shabaab ka fuliso dalka Kenya ayaa ka tirsanaa sarakiisha kooxdaan oo ka howlgali jirtey gobolada Jubooyinka.

Gobolada Jubooyinka ayaa xuduud dheer la wadaaga wadanka Kenya gaar ahaan Mandhera, Wajir, Garisa iyo Lamu.

GAROWEONLINE+ WAKALADAHA

 

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM