Dowlada Kenya oo xabsiga dhigtey wariye

Image

NAIROBI-Ciidamada Kenya ayaa xabsiga u taxaabey wariye Yasin Juma kadib markii baraha bulshada kuwada hadasho galiyey sawiro ka hadlaya weerarkii kooxda Al-shabaab ku qaadey saldhiga ay ku lahaayeen Ceelcade dalka Somalia.

Ciidamada baara dambiyada ayaa sheegey in Juma lagu xirey isagoo si joogta ah ugu qura bartiisa Facebook iyo Twiter weerarada kooxda Al-shabaab ku qaado ciidamada Kenya.

Yasin Juma ayaa saaka aroortii 8pm waxaa gurigiisa oo ku yaala xaafada Donholm magaalada Nairobi ciidamada nabadsugida waxaana la geeyey saldhiga Booliska Muthaiga.

"Waxaan ka imid Isbitaalka markaan arkey labo gaari oo ku ciidanka ah kuwasoo baarey gurigeyga kadibna I geeyey saldhiga Booliska" ayuu yiri Yasiin Juma oo la hadley saxaafada.

Juma ayaa sheegey dhinaca kale inuusan ogeyn eedymaha loo haysto islamarkaana aan loo sheegin dambiga uu galey.

Wasiirka difaaca Dowlada Kenya Joseph ole Nkaissery ayaa maalin kadib weerarka lagu qaadey ciidamada KDF sheegey in talaabo laga qaadayo wariye faafiya sawirada askarta kuwasoo loo fahmayo iney dacaayad u sameynayaan ururka Al-shabaab.

Maj Gen (Rtd) Nkaissery ayaa saxaafada u sheegey in Juma inuu yahay wariyaasha wanaajiya kooxda Al-shabaab islamarkaana dhinaca xun dhiga ciidamada Kenya taasna waxaa markhaati ka ah qoraaladii uu ka qorey weerarkii Mandhera 2015 kuwasoo dad badan lagu diley.

Ciidamada Dowlada Kenya ayaa 15 Jan, 2016 waxaa lagu weerarey xero ku taal degaanka Ceelcade gobolka Gedo halkaasoo khasaare aan la shaacin kasoo gaarey.

GAROWEONLINE

Related Articles

MBS: Israel waxay ku riixaysaa Mareykanka inuu galo dagaalka Iran

Beesha caalamka ayaa ku baaqaysa in labada dhinac ay qaataan tallaabooyin lagu yareynayo xiisadda si looga fogaado dagaal ballaaran.

  • Caalamka

    15-06-2025

  • 07:26AM

Laba Xildhibaan iyo Xaasaskooda oo Lagu Toogtay dalka Mareykanka

Amar ah “guryaha ku nagaada” ayaa la soo saaray waaberigii hore ee Sabtida si loo ilaaliyo ammaanka shacabka.

  • Caalamka

    14-06-2025

  • 05:07PM