Dowladaha Qatar iyo France oo 200-milyan ku taageeray Shacabka Falastiin

Image
Labada dal waxay carrabka ku adkeeyeen in ay kasoo horjeedaan in weerar lagu qaado magaalada Rafah.

Paris (GO) - Dowladaha Qatar iyo France ayaa 200 oo milyan oo dollar ku taageeray dadka Falastiin, waxayna bilaabeen barnaamij ay isaga kaashanayaan ururinta gargaarka bini'aadantinimo.

Qatar iyo France ayaa war qoraal ah oo ay si wadajir ah u soo saareen shalay, ku caddeeyay heerka uu gaarsiisan yahay iskaashigooda istiraatiijiyadeed, iyo diidmadooda ku aadan dilka lagu hayo shacabka Falastiin.

Labada dal waxay carrabka ku adkeeyeen "in ay kasoo horjeedaan in weerar lagu qaado magaalada Rafah (koonfurta marinka Qaza)," iyagoo ballan-qaaday inay bixinayaan "200 milyan oo doolar si ay u taageeraan Falastiiniyiinta."

Amiirka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad ayaa booqasho rasmi ah ku jooga magaalada Paris ee dalka France, halkaas oo kula kulmay Ra’iisul wasaaraha dalkaas Emmanuel Macron.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka iyo Sacuudiga oo Weerar ku qaaday Kooxo Iran Taageerto oo ku sugan Ciraaq

Kooxda Ciidamada Abaabulka Shacabka (PMF) ee Ciraaq, oo xiriir dhow la leh Iran, ayaa sheegtay in ugu yaraan 20 dagaalyahan lagu dilay.

  • Caalamka

    29-07-2026

  • 09:40AM

Midowga Yurub: Dhammaan Dowladuhu Waa Inay La Shaqeeyaan Maxkamadda ICC

Afhayeenka Guddiga Yurub Anouar El Anouni, oo ka hadlay shir jaraa’id oo Talaadadii dhacay…

  • Caalamka

    28-07-2026

  • 04:23PM