Dowladda Ciraaq oo ku raad jirto mas'uuliyiin musuqmaasuqay 2.5 bilyan dollar

Image

BAQDAAD - Dowladda Ciraaq ayaa doonaysaa in ay ka codsato Interpol in ay soo saarto "waaran qabasho caalami ah" oo ka dhan ah mas'uuliyiin hore, oo ay ku jiraan wasiirkii hore ee maaliyadda iyo madaxa sirdoonka, oo lala xiriirinayo inay lunsadeen lacag dhan 2.5 bilyan oo doolar.

Sida laga soo xigtay mas'uuliyiinta dalkaas, fadeexadani waxay ku saabsan tahay lacag sharci darro ah oo lagala baxay Hay'adda Canshuuraha Guud ee dalka sannadihii 2021 iyo 2022 oo dhan $2.5 bilyan.

Madaxa guddiga Hufnaanta, Haider Hanoun, ayaa ku dhawaaqay tallaabo lagu abaabulayo "calaamadaha cas" ee Interpol oo ka dhan ah dadka la raadinayo.

Hanoun ayaa sheegay in garsoorka uu sidoo kale ka codsan doono Interpol inay ka soo saaran calamada cas xoghayaha gaarka ah iyo la taliyaha dhanka siyaasadda ee ra'iisul wasaarihii hore Mustafa Al-Kazemi.

Al-Kazemi iyo wasiirkii hore ee maaliyadda Cali Allawi ayaa beeniyay inay ku lug leeyihiin musuqmaasuqa, kaasoo la sheegay in dabayaaqadii sannadkii hore la kashifay kaddib markii ay dowladda cusub la wareegtay awoodda.

Ra’iisal wasaaraha Ciraaq Maxamed Al-Sudani ayaa sheegay in uu mudnaan siinayo la dagaalanka musuqmaasuqa baahsan ee ka jira dalkaasi, isla markaana horseeday in la xado balaayiin hanti ah oo ka soo geshay shidaalka dalkaasi sanadihii la soo dhaafay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo joojiyey gargaar cunto oo nafbadbaadin u ahaa malaayiin carruur ah

Cilmibaareyaal caafimaad iyo ururo samafal ayaa uga digay Dowladda…

  • Caalamka

    18-04-2025

  • 06:35AM

Trump oo Xiraya 10 Safaaradood iyo 17 Qunsuliyad, si u dhimo Miisaaniyada Dibadda

Qunsuliyadaha la soo jeediyay in la xiro ayaa inta badan ku yaal Yurub, kuwaasoo ay ku jiraan goobo dalxiis oo ay jecel yihiin Mareykanka.

  • Caalamka

    16-04-2025

  • 09:31AM