Dowladda Faransiiska oo dhalashada kala noqon rabto Benzema

Image

PARIS - Wasiirka arrimaha gudaha ee Faransiiska Geral Darmanin ayaa ku eedeeyay xiddiga Karim Benzema in uu xiriir la leeyahay ururka “Ikhwaanul Muslimiin”, iyada oo mas’uuliin badan oo ka tirsan dowladda ay codasadeen in lagala noqdo dhalashada dalkaas.

"Dhamaanteen waan ognahay in Karim Benzema uu xiriirka xun la leeyahay uruka Ikhwaanka," ayuu yiri Darmanin.

Darmanin ayaa weeraray xiddiga reer France, isaga oo ku tilmaamay in Benzema uu xiriir la leeyahay ururkaas ay dalal badan ku tuhmayaan xagjirnimada.

Dhankeeda, Senetarka Faransiiska Valerie Boyer ayaa codsatay in Benzema laga xayuubiyo abaal marinta Ballon d’Or & dhalashada Faransiiska, haddii la xaqiijiyo eedeymaha oo jeediyay wasiirka arrimaha gudaha Darmanin.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Iran oo Diyaar u Ah in ay Xaddido Barnaamijka Nukliyeerka Haddii Cunaqabataynta La Qaado

Baghaei ayaa sheegay in wadahadallada hay’adda ilaalinta nukliyeerka ay dhowaan sii socon doonaan.

  • Caalamka

    19-08-2025

  • 11:08AM

Trump oo damaanad-qaaday amniga Ukraine Haddii Heshiis Nabadeed Laga Gasho Ruushka

Marka la eego arrimaha amniga, caawimo badan baa jiri doonta," ayuu Trump u sheegay warfidiyeenka.

  • Caalamka

    19-08-2025

  • 08:33AM