Dowladda Faransiiska oo dhalashada kala noqon rabto Benzema

Image

PARIS - Wasiirka arrimaha gudaha ee Faransiiska Geral Darmanin ayaa ku eedeeyay xiddiga Karim Benzema in uu xiriir la leeyahay ururka “Ikhwaanul Muslimiin”, iyada oo mas’uuliin badan oo ka tirsan dowladda ay codasadeen in lagala noqdo dhalashada dalkaas.

"Dhamaanteen waan ognahay in Karim Benzema uu xiriirka xun la leeyahay uruka Ikhwaanka," ayuu yiri Darmanin.

Darmanin ayaa weeraray xiddiga reer France, isaga oo ku tilmaamay in Benzema uu xiriir la leeyahay ururkaas ay dalal badan ku tuhmayaan xagjirnimada.

Dhankeeda, Senetarka Faransiiska Valerie Boyer ayaa codsatay in Benzema laga xayuubiyo abaal marinta Ballon d’Or & dhalashada Faransiiska, haddii la xaqiijiyo eedeymaha oo jeediyay wasiirka arrimaha gudaha Darmanin.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM