Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka aamusan hadallo ka soo yeeray Madaxweynaha Mareykanka

Image

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa weli wax war rasmi ah ka soo saarin hadallo culus oo ka soo yeeray Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, kuwaas oo uu si toos ah ugu shaki geliyay jiritaanka dowladnimo iyo sumcadda qarannimo ee Soomaaliya.

Trump, oo khudbad ka jeediyay shir caalami ah oo ka dhacay magaalada Davos ee dalka Switzerland, ayaa muddo ka hadlayey arrimo la xiriira Soomaaliya, isaga oo ku eedeeyay dad Soomaaliyeed inay ku lug leh xatooyo malaayiin doolar ah oo ka dhacday gudaha Mareykanka. Madaxweynaha Mareykanka, oo sheegay in Soomaalidu yihiin kuwo caqli ahaan hooseeya, ayaa hadalladiisa ku daray tilmaamo uu ku sheegay in ay la xiriiraan burcad-badeednimo iyo falal amni-darro, kuwaas oo uu ku xusay in Mareykanku tallaabooyin militari ka qaaday.

Shirkan Davos, sanadkan madaxweynaha Soomaaliya kama uusan ka qayb gelin, inkastoo horey uu uga qayb geli jiray kulamo heerkoodu ka hooseeyo kan Davos, arrintaas oo si gaar ah u soo jiidatay indhaha falanqeeyayaasha siyaasadda iyo diblomaasiyadda.

Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo todobaadyadii la soo dhaafay xoogga saareysay muujinta ilaalinta qaranimada iyo madax-bannaanida dalka, ayaan ilaa hadda si rasmi ah uga jawaabin hadallada su’aal gelinaya jiritaanka dowladnimadeeda iyo sumcadda shacabka Soomaaliyeed. Sidoo kale, qaar ka tirsan wasiirrada dowladda Soomaaliya, oo caan ku ah u jawaabista dadka ka hadla dowladda Muqdisho, ayaan weli wax war ah ka soo saarin hadallada Trump.

Dhinaca kale, Donald Trump ayaa muddooyinkii u dambeeyey si ba’an isu hayeen Xildhibaanad Ilhan Omar, taas oo falanqeeyayaal siyaasadeed ay ku tilmaameen in khilaafkoodu salka ku hayo doodaha ballaaran ee ku saabsan siyaasadda qaxootiga, kuwaas oo mararka qaar saameyn ku yeesha hadallada la xiriira Soomaaliya iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Mareykanka.

Arrintan ayaa dhalisay is-weydiin ballaaran oo ku aadan sida Dowladda Federaalka uga falcelinayso dalalka qaarkood, kuwaas oo xiriir qoto dheer la lahaa shacabka Soomaaliyeed, halka dhinaca kale ka aamusan tahay madaxweyne Trump oo shaki geliyay jiritaanka dal Soomaaliyeed iyo dad Soomaaliyeed.

GAROWE ONLINE 

Related Articles