Dowladda Ingiriiska oo go'aan kasoo saartay xawaaladaha lacagta

Image

LONDON, UK – Dowladda Ingiriiska ayaa xaqiijisay in ay sidooda u sii shaqeyn doonan xawaaladaha lacagta, balse waxay adkeysay in dadku kala fogaadaan inta lagu gudda jiro xaaladan adag.

Safaaradda Britain ee Muqdisho ayaa talaabadan ku tilmaamtay mid u ogolaaneysa Soomaalida ku nool UK in ay taageeraan asxaabtooda iyo qaraabadooda ku sugan dalka.

Si lamid ah qaybaha kale ee nolosha bini'aadamka, dhaqdhaqaaqa xawalaadaha waxaa saameyn ku yeeshay safmarka Coronavirus. Tani waxay dhalisay hoos u dhac dhanka dhaqaalaha ah.

Ingiriiska ayaa laga helay in ka badan 200-kun kiisas oo ah Coronavirus, intaas waxaa wehlisa 30,076 oo geeri ah, sidda ku xusan warbixintii ugu dambeysay.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa wadamada ay Soomaalida ku badan tahay ka codsatay in ay dabciyaan xayiraadaha xawalaadaha si dakhliga dalka uu uga soo kabto hoos u dhaca.

Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, wasiirka maaliyadda, ayaa xaqiijiyey in dalka uu khasaari karo 5 bilyan oo Doolar sabab la xiriirta cudurka, haddii uusan helin kab dhaqaale oo dibadda ah.

Soomaali badan oo ku nool gudaha waddanka ayaa ku tiirsan dhaqaalaha ay u soo diraan xubno ka tirsan qoysaskooda oo dibadda jooga, kuwaas oo noloshooda uu ciriiri geliyey caabuqa dilaaga ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM