Dowladda Ingiriiska oo Golaha Ammaanka QM ka xaqiijisay diidmada aqoonsiga Somaliland, taageertayna midnimada Soomaaliya

Image

NEW YORK (GO) — Safiirka Dowladda Ingiriiska u fadhiya Qaramada Midoobay ayaa Golaha Ammaanka ee QM ka hor sheegay in Boqortooyada Midowday (UK) ay si buuxda u taageersan tahay qarannimada, midnimada dhuleed, madaxbannaanida siyaasadeed iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isla markaana aysan aqoonsanayn Somaliland inay tahay dal madax-bannaan.

Khudbad uu ka jeediyay kulanka Golaha Ammaanka, safiirka Ingiriiska ayaa sheegay in mowqifka dalkiisu uusan wax isbeddel ah ku iman, isagoo xusay in isbeddel kasta oo ku yimaada xaaladda Somaliland uu ku iman karo oo keliya wada-hadal iyo is-afgarad dhex mara Muqdisho iyo Hargeysa, isla markaana uu waafaqsanaado Axdiga Qaramada Midoobay.

Safiirka ayaa sheegay in Ingiriisku uu ka xun yahay tallaabo kasta oo wiiqi karta nabadda iyo amniga gobolka, isagoo carrabka ku adkeeyay in kala fogaanshaha siyaasadeed uu fursad siinayo ururka Al-Shabaab iyo kooxo kale oo sharci-darro ah.

Waxa uu ugu baaqay Soomaaliya iyo Somaliland in ay xoojiyaan wada-hadallada, iyaga oo kaashanaya hay’adaha gobolka, si loo xalliyo khilaafaadka jira loogana wada shaqeeyo khataraha wadajirka ah ee amniga.

Dhinaca taageerada amniga, safiirka Ingiriiska ayaa Golaha Ammaanka u sheegay in dalkiisu uu si joogto ah u taageerayo dadaallada caalamiga ah ee lagu xoojinayo amniga Soomaaliya. Sanadkan gudihiisa, dowladda Ingiriiska ayaa $30 milyan ugu deeqday xasilinta amniga Soomaaliya, halka $22 milyan oo kale lagu taageeray howlgalka AUSOM.

Sidoo kale, safiirka ayaa sheegay in Ingiriisku uu taageeray doorashooyinkii dowladaha hoose ee dhawaan ka dhacay Muqdisho, isaga oo tilmaamay inay qayb ka yihiin dadaallada lagu xoojinayo hay’adaha dowliga ah iyo nidaamka dimuqraadiyadeed ee Soomaaliya.

Inkasta oo maamulka Somaliland uu muddo dheer xiriir la lahaa Ingiriiska, haddana hadalka safiirka ayaa mar kale caddeeyay in mowqifka London uu ku saleysan yahay midnimada Soomaaliya iyo xal lagu gaaro wada-hadal.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Pakistan: Wadahadalka lagu joojinayo dagaalka Mareykanka iyo Iran "waddadii saxda ahayd" ayuu ku socdaa

Sharif ayaa si gaar ah u ammaanay doorka muhiimka ah ee uu ciyaaray Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Pakistan, Field Marshall Asim Munir.

  • Caalamka

    25-05-2026

  • 11:07AM

Iran iyo Mareykanka oo isku Adeegsanaya Dhacdooyin Taariikhi Ah Xilli Heshiis La Sugayo

Mareykanka ayaa ku adkeysanaya in Iran si buuxda u hakiso kobcinta uranium-ka…

  • Caalamka

    24-05-2026

  • 09:07PM