Dowladda iyo mucaaradka Koonfurta Sudan oo heshiiyey

Image

February 2, 2015 (GO)- Dowladda iyo mucaaradka dalka Koonfurta Sudan ayaa heshiis rasmi ah ku kala saxiixdey shalay oo Axad ahayd magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia.

Heshiiskan oo urur goboleedka IGAD qayb libaax ka qaatey, waxaa labada dhinac u kala saxiixey Madaxweyne Salva Kiir iyo ku-xigeenkiisii hore xiliganse ah hogaamiyaha mucaaradka Riek Machar.

Qodobada ugu muhiimsan ee heshiisku dhigayo waxaa kamid ah:

  • In Madaxweyne Salva Kiir xilka sii hayo.
  • In Riek Machar loo soo magacaabo madaxweyne ku-xigeen.
  • In awooda loo qaybiyo sidan: 60% dowlada hada talada haysa, 30% mucaaradka uu Riek Machar hoggaamiyo iyo tobanka haray oo la siinayo axsaabta kale iyo maxaabiista siyaasadeed ee dhowaanta la sii daayey.
  • In lasoo dhiso xukuumad madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenku xubno ka yihiin.
  • In Barlamanka oo hada ka kooban 332 xildhibaan laga dhigo 400 oo xildhibaan.

Heshiiska awood qaybsiga ku salaysan ee dowlada iyo mucaaradka Koonfurta Sudan wada gaareen, waxaa la filayaa inuu soo afjaro degenaansho la'aanta siyaasadeed iyo colaaddii ka aloosneyd dalkaas 15-kii bilood ee lasoo dhaafey.

GAROWE ONLINE + Reuters 

Related Articles

Trump oo ka difaacay Maxamed Bin Salman Su'aal laga waydiiyay dilkii Khashoggi

Kulanka Aqalka Cad ayaa sidoo kale lagu heshiiyey arrimo dhaqaale iyo milatari, oo ay ka mid yihiin iibinta diyaarado dagaal oo F‑35 ah.

  • Caalamka

    19-11-2025

  • 09:41AM

Bangladesh: Ra’iisul Wasaarihii hore Sheikh Hasina oo lagu xukumay dil

Maxkamaddu sidoo kale waxay xukuntay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, Asaduzzaman Khan.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 11:02AM