Dowladda Japan oo dib u bilawday maalgelinta hay’adda UNRWA

Image
Tokyo ayaa sanadkan ku dhawaad ​​$35 milyan u qoondeeysay hay’adda UNRWA

Tokyo (GO) - Dowladda Japan ayaa sheegtay in ay dib u bilaabi doonto dhaqaalihii ay ku bixin jirtay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Gargaarka iyo Shaqada ee Qaxootiga Falastiin (UNRWA).

Dowladda Japan ayaa go’aansatay in hay’adda Qaramada Midoobay ay dajisay tillaabooyin ku habboon dib u habeynta hay’adda, taasoo jawaab u ah eedeymaha ku saabsan in qaar ka mid ah shaqaalaha UNRWA ay ku lug lahaayeen weerarkii Xamaas ay ku qaadday Israa’iil bishii Oktoobar ee la soo dhaafay, taasoo keentay in Japan ay joojiso maalgelinta.

Tokyo ayaa ku dhawaad ​​$35 milyan u qoondeeysay hay’adda UNRWA, sida uu wariyaay mareegga "Jiji Press".

Waxay intaas ku dartay, "Xaaladda bini'aadantinimo ee Marinka Qasa ayaa sii xumaanaysa. Waa mas'uuliyadda dalkeenna inaan ka jawaabno dhibaatada annaga oo xubin ka ah Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay,"

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Putin oo ku dhawaaqay in Ruushka tijaabinayo Hubka Nuclear-ka

Wararka ka imanaya Kremlin-ka waxay sheegayaan in Putin uu mar kale cadeeyay in haddii Maraykanku sameeyo tijaabooyinkan.

  • Caalamka

    06-11-2025

  • 07:52AM

Omar Fateh oo Aqbalay Guuldarradiisa Doorashada Duqa Magaalada Minneapolis

Haddii uu guuleysan lahaa, Omar Fateh wuxuu noqon lahaa duqii ugu horreeyay ee Muslim ah, Soomaali Maraykan ah.

  • Caalamka

    06-11-2025

  • 05:24AM