Dowladda Suudaan oo hakisay xubannimadii uruka IGAD & Ujeedada

Image
Arrintan ayaa ku soo beegantay hal maalin ka dib shir madaxeedkii IGAD.

Khartoum (GO) - Dowladda Suudaan ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqday inay gebi ahaan hakisay xubinnimadii ay ku lahayd Urur Goboleedka IGAD, waxayna Wasaaradda Arrimaha Dibadda Suudaan xaqiijisay in dowladda Suudaan aysan khuseyn go’aan walba oo IGAD ka soo saarto arrimaha Suudaan.

Arrintan ayaa ku soo beegantay hal maalin ka dib shir madaxeedkii IGAD oo lagu qabtay caasimadda Uganda ee Kampala, kaasoo lagu go’aamiyay in muddo laba toddobaad ah loo qabto taliyayaasha Ciidammada Suudaan, Abdel Fattah al-Burhan, iyo Ciidammada Taageerada Degdegga ah, Maxamed Xamdaan Dagalo “Hemedti ,” si ay u yeeshaan kulan toos ah oo ay uga wadahadlaan joojinta dagaalka labada dhinac u dhexeeya tan iyo bartamihii bishii April.

Sida lagu sheegay qoraal kooban oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sudan, Al-Burhaan waxa uu Sabtidii warqad u diray Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Guili oo ah madaxa IGAD, isagoo ku wargeliyay go’aanka dawladda Suudaan ay ku joojisay xubinimadii ururkaasi.

GaroweOnline.

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM