Dunida Islaamka oo bilowdey banaanbax ka dhan ah Hindiya

Image
Dhowr dal oo Muslim ah ayaa u yeeray danjireyaasha India ku matala waddamadaas.

DELHI, India - Dhawr ka mid ah dalalka Islaamka ee caalamka ayaa si degdeg ah ugu yeeray safiirrada Hindiya u fadhiya dalalkooda, si ay u cambaareeyaan hadalada deelqaafka ah ee mas'uuliyiinta dalkaas ugu gafeen Islaamka.

Wadamada Islaamka ayaa xadgudubka ka dhanka ah Nabi Maxamed (SCW) ku tilmaamay inay salka ku hayaan Islaam nacayb. Dalka Qatar ayaa Hindiya ka dalbaday "inuu raalligelin buuxda bixiyo".

Dhacdadan ayaa weji gabax ku noqotay, wefti ka socda dawladda Hindiya oo uu hoggaaminayo madaxweyne ku xigeenka dalkaas iyo ganacsato kala duwan oo safar ku jooga dalka Qatar.

Hindiya ayaa wajaheysa caro diblumaasiyadeed oo weyn oo uga imaaneysa wadamada Muslimka ah kadib markii laba mas'uul sarre oo ka tirsan xisbiga Hinduga taladda haya ee BJP ay hadallo bahdil ah ku sameeyeen Islaamka iyo Nabi Muxamed (NNKH).

Afhayeenka heerka qaran, Nupur Sharma, ayaa shaqo joojin ku muteystay talaabaddan, halka madaxa xafiiska warbaahinta Dehli, Naveen Kumar Jindal gabi ahaanba looga eryay xisbiga falkan uu ku kacay. Hase ahaatee, falcelinta wali ma qaboojin dhaleeceynta.

Sucuudiga ayaa isaguna si adag arrintan uga horyimid isaga oo ku tilmaamay inuu si adag u diidayo nooc kasta oo nacayb ah oo ka dhan ah diinta Islaamka.

Ururka Iskaashiga dalalka Islaamka ee loosoo gaabiyo OIC ayaa isna sheegay in dhacdadani ay ku soo beegmayso, xilli ay dalkaas ka jiraan nacayb iyo falal xadgudub ah oo lagula kaco diinta Islaamka iyo muslimiinta ku nool dalka Hindiya.

Tusaale ayuu u soo qaatay in gobollo badan oo dalkaas ka mid ahi inay mamnuuceen xijaabka iyo khimaarka ay haweenku madaxa ku asturtaan, halka marar kala duwanna falal gacan ka hadal ah lala beegsaday muslimiinta ku nool dalkaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maraykanka oo kordhiyey joogitaankiisa ciidan ee Bariga Dhexe, iyadoo cadaadis lagu saarayo Iran

Warqad ay Iran u dirtay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayay ku sheegtay inaysan…

  • Caalamka

    20-02-2026

  • 11:40AM

Trump oo Shirkii ugu horreeyay ee “Board of Peace” ku qabtay Washington 

Trump ayaa sidoo kale sheegay in xubnaha guddiga ay ballanqaadeen $7 bilyan oo loogu talagalay dib-u-dhiska Gaza.

  • Caalamka

    19-02-2026

  • 08:30PM