Duqa-magaalada Lviv: hawo xiran ayaan u baahannahay

Image

LVIV,Ukrain - Duqa magaalada Lviv ee dhacda galbeedka dalkaasi Ukraine, taas oo xudun u ah barakacayaasha colaadda, ayaa la hadlay BBC-da.

In ka badan 200,000 oo barakacayaal ah ayaa yimaada magaalada Lviv. Magaaladan ayaa ah xarunta ugu weyn ee dadka ka soo baxsanaya dagaalka ka socda magaalooyinka kale ee dalkaas.

Duqa-magaalada; Andriy Sadovyi ayaa yiri, “mas’uuliyadeyda waa in aan ugu adeego sida ugu fiican bulshada.”

“weerarkii saaka waxuu ahaa mid naxdin leh” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

“Weerarka marka uu dhacaye, siyaasiyiinta iyo maayaradda Poland ayan shir kula jiray meel u jirta 20km (12.5 miles) xadka midowga Yurub”

Duqa-magaalada ayaa sheegay in uu u diray fariin adag oo ah in ay u baahan yihiin agab malatari, koofiyadaha ciidanka iyo jaakadaha ay xabadu Karin.

Waxaa kaloo uu sheegay in ay u baahan yihiin kaalmo loo wada dhan yahay oo ah dhanka barakacayaasha iyo taakuleynta ciidamada Ukraine.

 “Lviv waxa ay la mid tahay magaalooyinka kale ee dalka, wayna adag tahay in la saadaaliyo halka uu noqon doono bartilmaameedka xiga,” ayuu ku jawaabay mar wax laga weydiiyay in magaaladu tahay bartilmaameed gaar ah maadaama ay u dhawdahay gaashaanbuurta Nato.:

Waxa uu fariin u diray gaashaanbuurta Nato, madaama uu dagaalka usoo dhawaaday xuduuda Midowga Yurub, waxuuna yiri:

“Waxaan u baahannahay maanta waa hawo xiran, agab malatari iyo in aan qaadano go’aan, barito gantaalada Ruushka waxa gaari doonaan Midowga Yurub.”

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Cabsi dagaal oo ka taagan Buurhakaba kadib khilaaf ka dhex qarxay maamulka Koonfur Galbeed

Wararka laga helayo gudaha degmada ayaa sheegaya in xiisadda sii kordheysa ay dhalin karto iska horimaadyo hubeysan.

  • Caalamka

    21-02-2026

  • 02:13PM

Saameynta Safarka Trump ee Shiinaha: Maxaa laga filan karaa?

Maalgashadayaasha caalamiga ah, ayaa ka walwalsan in haddii lagu heshiis waayo canshuuraha cusub.

  • Caalamka

    21-02-2026

  • 11:10AM